Cabdillaahi-Jawaan Oo Madaxweynaha Ugu Baaqay Dhismaha Hoyga Dhaqanka

0
672

Picture3Hargeisa-(Geeska)- Siyaasiga Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan) ayaa  Madaxweynaha Somaliland, Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), golayaasha Qaranka, ugu baaqay in la dhagax dhigo dhismaha xarun weyn oo noqota xaruntii dhaqanka Soomaalida, ee geeska Afrika Md Cabdilaahi Jawaan, oo arrimahan ka hadlayaa waxa uu hadalkiisii ku bilaabay.

Cabdillaahi-Jawaan, oo u waramay Hadhwanaag wuxuu yidhi  '' Sidaynu la wada socono waxa la xusay maalintii la qoray Afka -Soomaaliga, ee 21-ka Febarury, run ahaantii, waa guul u soo hoyatay, dhamaan dadka Afka-Soomaaliga ku hadla, iyo geeska Afrika iyo addunkaba, waana guul la gaadhay oo Afkeenii ayaa la qoray, oo waxaad ku kaydin kartaa taariikhdaadii, dhaqankaagii, dhaqaalahaagii, diintaadii, iyo arrimahii bulshada, laakiin, waxa meesha ka maqan oo u baahan in mar walba maanka lagu hayo, in hoyga dhaqanka Soomaalidu uu Hargeysa ahaa, mana aha in Soomaalidu ay sas ka qaado.  Urrurka Ururiya Dhaqanka, Afka, Iyo Suugaanta Soomalida, ee PEN, fikradii Seddexdii nin ugu horeeyay ee lagu aasaasay waxay kala ahaayeen, Qoraaga Weyn ee caalamiga ah ee Soomaaliyeed, ee Nuuradiin Faarax, oo ah nin u dhashay deegaanka Soomaalida Ethiopia, ahaana Guddoomiyihii, ugu horeeyay ee Urrurka, Waxa isna Guddoomiye-ku-xigeenkii Koowaad ee u horeeyay ee Urrurka ahaa Abwaanka weyn ee caanka ah ee Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi, oo u dhashay Somaliland, oo immika Hargeysa jooga, Iyo Dr Taani, oo ah muwaadin u dhashay Somaliland, gaar ahaan Gobalka Awdal, ee Borama, oo ahaa Xoghayaha Guud ee Urrurka, Markaa Urrurka PEN, Seddexdaa nin ayuu ka bilaabmay, markii danbana waxa la sameeyay Guddi fulineed oo uu madax u ahaa Maxamed Daahir Afrax, iyo Siciid Jaamac, oo ahaa Guddoomiye-ku-xigeen. Cumar Aadan Qaadi-na uu ka ahaa Xoghaye, oo iyana xarunteedu ahayd Exford House, oo London, ah, ahna meesha lagu qabto barnaamijka Todobaadka Soomaalida (The Week Of The Somalis). waana meesha ay ka soo bilaabantay''.

Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdillaahi Jawaan), isaga oo tusaale u soo qaadanaya oo tixraacaya arrimahaa uu kor ku xusay waxa kale oo uu intaa ku sii daray oo uu yidhi, ''Wax walba fikirkiisa iyo bilawgiisaba inagga (Somaliland), ayaa lahayn, Calankii Lixdankii inaga ayaa bilawnay oo lahaynoo waa la inna dhaxal wareejiyay, Dhaqankii iyo Suugaantii inagga (Somaliland), ayaa bilawnay oo lahayn, sidaa daraadeed, waxaan leeyahay oo aan si odaynimo ah ugu talinayaa in Xarunta Urrurka PEN, laga dhigo caasimada Jamhuuriyada Somaliland, ee Hargeysa, Markaa Madaxweynaha Somaliland, waxaan u soo jeedinayaa oo aan leeyahay halka ay qoladaasi xarunta Af-Soomaaliga uga dhigeen Muqdisho, adiguna adiga oo ah Madaxweynaha Somaliland, Md Axmed Maxamuud Maxamuud, hormood ka noqo in aad dhagax dhigto in Hargeysa laga dhiso xarunta dhaqanka ee Urrurka PEN, oo noqota xarun weyn oo ballaadhan oo lagu keydiyo dhaqanka Soomaalida, maxaa yeelay hoyga dhaqanku waa caasimada Somaliland, ee Hargeysa, ee yaynaan cidna marti uga ahaanin, oo inaga Somaliland, ah, Soomaalida kalena ay sideedaa tahay, waxa kaliya ee inaga dhaxeeyaa waa magaca, marka la leeyahay Somalia, iyo Soomaaliyeed-na, waa kala laba Soomaaliya, waxay ahayd intii uu Gumaysigii Talyaanigu xukumi jray, Soomaaliyeed marka la leeyahayna waa Ummada Soomaaliyeed oo dhan, Markaa waxaan u soo jeedinayaa Xukuumada iyo Golayaasha qaranka, iyo dadweynahaba in aynu Hargeysa ka dhisno xaruntii Dhaqanka Soomalida ee Urrurka PEN, oo aynu Iskaa Wax-u-qabso ku dhisno, xukuumaduna sida ay dhismaha waddada Ceerigaabo, ugu dhiiratay ha ugu dhiirato, oo dhagaxa ha dhigto, oo hadii la doono Gurigan dunsan ee la odhan jiray guriga xisbiga ee uu Bile Rafle, dhisay halaga dhigo xaruntan, markaa waxaan ku talinayaa in xaruntii dhaqanka Soomaalida, ee geeska Afrika iyo adduunkuba ay Hargeysa, noqoto oo Hargeysa, laga dhiso.'', ayuu hadalkisii ku gebegebeeyay Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan).