Cabdillaahi-Geeljire Oo Si Kulul U Dhaliilay Qaabkii Djibouti U Qaabishay Madaxweyne Siilaanyo

0
479

Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) oo laba xil oo wasiirnimo ka soo qabtay xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, ayaa dawladda Djibouti ku dhaliilay qaabka ay u qaabishay Madaxweyne Siilaanyo, markii uu ka qayb galay xafladii caleemo saarka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.

1

Geeljire, oo hadda ka tirsan guddiga aqoonsi raadiska Somaliland, wuxuu wax lagu xumaado ku tilmaamay hab maamuuskaas lagu qaabilay Madaxweyne Siilaanyo oo uu ku tilmaamay mid ay aad uga xumaadeen shacabka Somaliland, “Waxay ahayd haddaynu marti u ahayn inuu ina siiyo meeqaamka soo dhawayneed ee uu siiyay madaxda kale, may ahayn inuu meel isku dhex jir ah oo shicib iyo dad kaleba fadhiyaan uu madaxweynaheena fadhiisiyo.” ayuu yidhi Cabdillaahi Geeljire.

Cabdillaahi Geeljire isagoo ka hadlaya muuqaal la daawaday oo laga dhex arkay madaxweyne Siilaanyo oo ka mid noqday dad shacab ah oo soo dhawaynaya, sacabkana u tumaya madax madasha soo galaysay oo uu ku jiray Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh, wuxuu yidhi  “May ahayn in madaxweynaheenu uu ka mid noqdo dadka madaxweynihii martida loo ahaa iyo kuwii kaleba soo galaan u kacay  ee sacabka loo tumayo, ee waxay ahady inuu ka mid noqdo kuwaa sacabka loo tumayo.” ayuu yidhi, isagoo xusay in madaxweynayaasha martida ahaa ay ku jireen kuwo galay dunuub caalami ah oo ay maxkamadi raadinayaan, “Qaar maxkamadaha caalamku doondoonayaan ayaa madaxweynaheenii la yidhi sacabka u tun oo meesha fadhiyay. Meeqaamka ninka maxkamadda caalamku daydayaysaa uu leeyahay ee madaxweynaha  shicibkiisu doortay aanu lahayn anigu garan maayo.”

Cabdillaahi Geeljire, wuxuu intaas raaciyay oo uu shacabka reer Somaliland dareensiiyay in mararka qaar ay waxan oo kale dhacaan, “Laakiin waxaynu ku baranay khibrad ayaynu ka qaadanay, waxaynu ku xisaabtamaynay wax ka hooseeya ayaynu ogaanay.”

Wuxuu Geeljire sheegay in raysalwasaaraha Itoobiya oo ka mid ahaa madaxda kulanka ka qayb gashay uu salaam gacan qaad ah ula istaagay Madaxweyne Siilaanyo, “Waxaad arkayseen markay madaxweynayaashu marayeen halkii madaxweynaheenu taagnaa waxa ku baydhay raysalwasaaraha dalka Itoobiya oo gacanta u dhiibay oo ku leexday. kuwan kale ee Somalida iyo Carabuhu ka mid yihiin orod bay ku dhaafeen.”