Cabdiliaahi Jawaan Oo Komishanka Doorashooyinka Tallo U Soo Jeediyey, Kana Hadlay Abaaraha

0
782

Hargeysa (Geeska)-La Taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Doorashada Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan), ahna guddoomiyihii guddigii  Doorashooyinka ee Somaliland ugu horeeyey ayaa talo u soo jeediyey Komishanka Doorashooyinka.

1

La Taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Doorashada Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan),  oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale talo u soo jeediyey Xisbiyada Qaranka, waxaanu ka hadlay Sicir bararka dalka ka jira, waxaanu yidhi ugu horeyn isagoo ka hadlaya Komishanka iyo Abaaraha“Taladu meel bay leedahay, waxaanan ahay la taliyaha Madaxweynaha, taladiina waan siiyey, sharciguna wuxuu siiyanaya, oo go’aan ka gaadhaya, oo laga sugayaa, lana weydiinaya Guddida Doorashada Qaranka ee madaxa banaan, anigu Guddida Doorashooyinka waanu kulanay, waan wareystay, cilada ugu weyn ee ay ugu yidhaahdeen Kaadhadhkii bay dadku ka guureen, oo waa la barakacay, waa run taasi, laakiin Doorashadii Lixdankii iyadoo abaara la qabtay, 19/2/1960, Jirde Xuseen ayaa ALLE ha u naxariiste Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka ahaa, tii 1964, la qabtay Bulaale ayaa laga cabaayey, waagaas kuray yar baan ahaa, iyadoo dagaal socdo, abaarina jirto ayaa la qabtay, Cabdirashiid Cali Sharmaake wuxuu yidhi markii la yidhi dagaal baa socdo, wuxuu yidhi gacana waanu ku dagaalamayna, oo dalka ayeynu ku difaacaynaa, gacana weynu ku coddeynaynaa, tan maanta abaarba jirta in gurmadka dadka wax walba laga horeeysiiyo waa waajib”.

Cabdilaahi Jawaan mar uu Komishanka kula talinayey inay mawqif cad ka yeeshaan Doorashada wuxuu yidhi“Arintaasina waxay u taala cida go’aanka leh oo ah Guddida Doorashada, waxay yidhaahdeen diyaar baanu nahay, marka ay leeyihiin diyaar baanu nahay,  laba mid baa la doonaya hadalka lama  ag fadhiisto, waanu qabanaynaa Doorashada, oo dabadeed Madaxweynaha u gudbiyaan, oo Madaxweynuhuna Digreeto ku soo saaro, haddii uu talo ka siinayana uu kala taliyo, ilayn waa Madaxii Qarankee, xaq buu u leeyahay  wixii aan suurtagalayn inuu talo iyo go’aan ka gaadho, ama uu ku waafaqo ama uu talo kale ka dhiibto, haddii ay qaban kari waayana waa inay u gudbiyaan iyagoo sababeeynaya, laakiin in Saddexda Xisbi lagu sii daayo meesha ma taalo,waayo Saddexda Xisbi waa kuwii tartamayey, waayo waxa laga yaabo in nimba nin hadalka ku gujiyo,  waxaana laga yaaba in haddii ay inaga xumaato inay dadka dhex gasho, oo faraqyo badan dhex gasho,  marka anigu Komishanka waxaan kula taliyay inay iyagu arinta xakamayeen oo aan Xisbiyada lagu sii dayn, ee Xisbiyada wixii la soo bandhigo waa in lagala tashadaa, oo la yidhaahda waxaas ayaanu wax ku gooynaynaa, laakiin haddii la yidhaahdo Saddexda Xisbi ayaa go’aan ka soo gaadha Doorashada Sharciyadii baa la gees marayaa,ee waa in Guddida Doorashada ee madax banaan go’aan gaadhaan, dabadeed ay Madaxweynaha  u gudbiyaan, taasina noqotaa waanu qabanaynaa Doorashada, oo qaabkaas ayaanu u qabanaynaa, oo sidaas iyo sidaas ayaanu ku galaynaa iyo ma qaban karaynee Qaranku ha ka tashado, markaas Komishanka inay labadaas mid ku dhiiradan ayaan kula talinayaa”.

Cabdilaahi Jawaan mar uu ka hadlaayey Xisbiyada ayaa yidhi “Xisbiyada waxaan kula talinayaa inay tartan xalaal ah galaan, oo kaga nixin aanay noqon, waxaan kula talinaya nimanka madaxda ka ah Xisbiyada in marka ay wada hadlayaan in  qabiilka laga fogaado, laakiin haddii ay ka fogaan waayaan waxay taasi keenaysa in dadkeenu isku burburo, maxa yeelay dadkeenu uma adkaystaan waxyaabaha qaar, Ragga tartamaya si wanaagsan ha u tartamaan, oo ha soo bandhigaan barnaamijka ay ku tartamayaan, oo ha yidhaahdo Xisbiga Mucaaradku  waxaas iyo waxaas ayaan kaga wanaagsan nahay Xisbiga Muxaafidka, oo waxaas ayaa laga gaabiyey, Xisbiga Muxaafidkuna  uu isna yidhaahdo Dawladaydu iyo Xisbigaygu waxaas ayey qabteen, waxaas oo wanaagsana waan ku darayaa, waxa naga khaldmayna waan saxayaa, Shacabkana waxaan kula talinaya nina qabiil ha ku taageerina ee ninka dantiina waduun taageera, sidaas ayeynu qaran ku noqonaynaa, laakiin haddii ay qabiil noqoto, qabiilku xad ma leh, waa basashaas la dhilayo, marka yeynaan dib u noqonin ee aynu korno, oo kor aynu u socono, awooda dadka ayaa leh, oo qof walba ninka aad is tidhaahdo dalka ayuu wax u qabanayaa codkaaga sii”.

Cabdilaahi Jawaan mar uu ka hadlaayey Sicir bararkan taagan ayaa yidhi “Sicir bararku waa dhibaato jirta, waxaana u arkaa in laga gudbayo, imika Xoolihii baa la yara cuna qabteeyey, taas ayaana sii kicisay, laakiin waxa jira wada hadal ay Dawladdu ku dadaashay, oo Dawladda Sucuudiga lagula hadlaayey, Dhakhaatiir ay soo direen baan arkaayey, markaas haddii taas Xoolaha xal loo helo, waxaan filayaa in sicir bararku halkiisi ku noqonayo, laakiin waa in la dulqaata, oo ganacstadu dadka masaakiinta ah ee jeebkoodu yar yahay, u naxariistaan, oo faa’iido xalaal ah si ay u qaatan,waxaan arkaayey iyagoo dadku leh doolar baanu qaadaynaynaa, doolarka iyagu ma leh,ee lacagtooda ha qaatan”.