Burco(Geeska)- Ibraahim Axmed Rooble oo loo yaqaan Neershiya Wuxuu ka mid ahaa macalimiintii waaweynad ee gobolka togdheer, in ka badan 35-sanadood ah waxa ka dhigayay dugsiyadda sare ee burco eek ala ah, sh. Bashiir, Farsamada gacanta , Daaqa qaranka , 15-May iyo kuwo kale oo badan Balse hadda waxa uu u jiifaa xanuun culus oo asiibay, dhakhaatiirta caafimaadkuna ku taliyeen in wax lagaga qaban karo dhakhtaro dibadeed oo la geeyo.
Macalin Neershiya waxa ka aflaxay mudadaa uu wax dhigayay ,in ka badan boqolaal kun oo arday oo ku kala dhaqan daafaha Dunida,qaarkood nasiibku u siiyay inay hogaanka sare dalalka Somaliland iyo Somaaliya ka mid noqdaan, kuwo kalena noqdaan ganacsato waaweyn, iyo inbadan oo haysa shaqooyin wanaagsan.
Aniga (Kayse Digaale oo ka tirsan JMG, Xaamud Good ,Xuseen Girgire ,Cabdi Good, Maxamed Aadan Foolge ,C/salaam Ilkacase Iyo Salaal , waxay ka mid ahaayeen ardaydii ka aflaxday, macalinka ,booqashana waxay ugu tageen macalinku guriga uu jiifo, ka dibna waxay fariin u direen dhamaan ardaydii ka aflaxday maxalin ineershiya eek u kala dhaqan daafaha aduunku inay gurmad dhaqaale oo degdeg ah u soo fidiyaan macalinkooda, oo kaalin weyn ka qaataan sidii dhakhtar dibadeed oo lagu soo daweeyo loo gayn lahaa macalinka.
Sidoo kale Cidkasta oo aqoon u lahayd macalin neershiya ama jecel inay ka qaybqaadato u gurmashada , inay ka qaybqaatado wax u qabashada macalinkan u jiifa xanuunka asiibay.
Macalin Neershiya oo mudo dheer ka mid ahaa macalinta gobolka togdheer, kana mid ahaa kuwo loogu jecel yahay intaanu xanuunku dhulka dhigina wali wax dhigaya islamarkaana ka mid ahaa saraakiisha wasaarada waxbarshada togdheer ,ayaa wasaarada waxbashada Somaliland ka gaabisay inay gacan ka gaysto sidii dibada loogu qaadi macalinkan xanuunku ku habsadaya.