Hargeysa(Geeska):-Baqoor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo ka mid ah madax-dhaqameedka reer Somaliland, ayaa si adag uga jawaabay eedaymo uga yimi suldaalka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, kaasi oo ku aadanaa in xisbiga Waddani uu dabada ka riixaayo duco ay isagu imanayaan beelaha Ciidagale oo uu boqor Raabi ku dhawaaqay, waxaana uu sheegay in hadalkaasi uu yahay mid waxba kama jiraan ah, saddexda xisbi qarana ay u siman yihiin beesha dhexdeeda isaga oo sida oo kalena ku baaqay in aan ducada ay isagu imanayso beesha Ciidagale aan la siyaasadayn.
Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi, ayaa hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay magaalada Hargeysa, waxaaan uu ugu horeyn faah faahin ka bixinayaa shirka uu ku baaqay iyo u jeedooyinkiisa."Warkan waxaan doonayaa in aan kaga jawaabo war saaka(Shalay) ku soo baxay warbaahinta oo uu ka hadlaayey ina Cabdiqaadir, waxaan horta u sheegayaa dad weynaha reer Somaliland iyo beelaha Ciidagale-ba in ducadii aan ku baaqa ay sideedii u taagan tahay, ducadana aan la siyaasadayn, waxaan kale oo aan dadka ka shaafiyayaa oo aan u sheegayaa amba kooxaha caadaystay marka ay beeshu isku imanayso ama danaheeda ka arrin sanayso kooxaha danaha gaarka ah isleh waad ku macaashaysaan ayaan waxaan uga digayaa oo aan u sheegayaa in midnimadu ay uga badanayso inta ay ku qaadanayaan qayb qaybsiga iyo xoogaaga aan sidaas u badnayn.”Ayuu yidhi Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi.
Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi, oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:“Inna Cabdiqaadri waxaa hadalkiisa ku jirtay xisbiga Waddani, horta waan garan waayey xisbiga Waddani goorta la isku khuukhiyo ee uu dambiile noqday waa arrin aan la yaabay ayey noqotay saddexda xisbi qaran ee dalka ka jira ayaa uu Waddani ka mid yahay, waxaan cadaynayaa horta Waddani, Ucid iyo Kulmiye in ay saddexdaba ay beelahu ku jiraan saddexdabana waan soo dhawaynayaa arrin siyaasadeed ka hadli maayo annigu, siyaasiyiinta ayey u taala cida ka hadlaysa, waxaan u sheegayaa haddii uu isagu doonayo siduu horeba aflagaadooyinka iyo dhibaatoyinka uu beelaha ugu gaysanaayey ayuunba ay tana lamid tahay, waxaan uga digayaa in aan beelaha la aflagaadaynin, la dhibaataynin, xisbiyada qarankuna waa xisbiyadii qaranka, beelahuna waa ay ku jiraan, saddexda xisbina waan soo dhawaynayaa.".
Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi, waxaa uu sida oo kale sheegay in Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir aanu kala diri karin gudida beesha Ciidagale, isaga oo carabka ku dhuftay in gudida beeshaasi kaliya lagu kala diri karo gudi kale oo ay soo doorato beesha Ciidagale.
"Waxaan kale oo aan sheegayaa oo aanu xaq u lahayn inna Cabdiqaadir gudida beesha ee beeshu ay dooratay oo uu yidhi waan kala diray, waxaan u sheegayaa in aanu xaq u lahayn oo aanu kala diri karin, gudiga beeshana waxaa bedeli kara gudi kale oo aay beeshu doorato, waxaanan u sheegaya Inna Cabdiqaadi in aanay waxba ka jirin waxii uu sheegay.beeshuna ay ducadii diyaar u tahay qaban qaabadeediina ay socoto, gudidii qabana qaabadana aan magacaabay 15 xubood oo reerka ah isagana aanu diyaar u nahay haddii uu ka soo qayb galaayo.".Ayuu yidhi Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi.