Booliska Oo Xidhay Wiil Dhalinyaro Ah Oo Ku Labisnaa Calanka Somaliya

0
961

Hargeysa(Geeska)-Badhtamaha suuqa Hargeysa waxa ciidanka boolisku uu ku qabtay wiil dhalinyaro ah oo ku labisan shaadh iyo surwaal laga sameeyay calanka Somaliya.

Wiilkan ayaa muuqaal laga duubay markii la xidhaayay ka soo muuqday isaga oo ciidanka boolisku ay kaxaynayaan, waxaana magaca wiilkan oo u dhashay magaalada Hargeysa lagu sheegay Cabdiraxmaan Aar.

Xadhiga wiilkan iyo labiskiisa ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay maalmo ka hadheen xuska maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here