Hargeysa(Geeska)-Booliska Somaliland ayaa xaqiijiyay war uu shalay wargeyska Geeska Afrika qoray oo ahaa in la qabtay oo Itoobiya lagu wareejiyay 7 askari oo ka tirsan ciidankada Somalida Itoobiya ee “Liyuu Boolis” oo ku soo xad gudbay xuduudka Somaliland.
Taliye-xigeenka Booliska sareeye guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle, ayaa shalay saxaafadda u sheegay in la soo qabtay kooxdaas oo markii dambe lagu wareejiyay ciidanka Itoobiya ee Wajaale “Shalay [Jimce]oo bishu ahayd 25; 7 subaxnimo ayaa ciidan ka tirsan Liyuu Boolis oo tiradoodu dhammayd 8 ay soo galeen xadka iyagoo xawaare dheer ku soo galay, kuwaas oo markii aanu weydiinay sheegay inay gaadhi eryanayeen, laakiin aanu jirin gaadhi, nimankaasi waxay ku soo xad gudbeen xadka Somaliland, ciidanka Booliska aya hawlgal ka galay gacanta ayaana lagu dhigay sidaas ayaana caasimadda loogu soo gudbiyay.” ayuu yidhi Taliyuhu, oo intaas raaciyay “Waxa loo tilmaamay khaladaadka ay galeen oo ah dalkan inaan sharci drro lagu soo geli karin, safaaradda Itoobiya ayaa noo timid waanu ka wada hadalnay, taliska sare oo Ceerigaabo jooga ayaanu la xidhiidhnay, markaas waxay ku dhammaatay in la sii daayo oo aanu gelibino Wajaale ayaanan gaynay oo aanu ku wareejinay hubkoodii iyo gaadiidkoodiiba.”