Barkhad Oo Isu Sharaxay Madaxweyne-xigeenka Waddani

0
721

Hargeysa(Geeska)-Garyaqaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa shalay ku dhawaqay inuu isu sharaxayo jagada madaxweyne-xigeenka xisbiga Waddani, marka la gaadho shirka golaha dhexe ee xisbigaas oo furmaya bisha Oktoobar.

1

Qorala uu shalay soo saaray wuxuu ku sheegay inuu ku niyad sanyahay in ergada Waddani u doorato jagadaas, waxaanu qoraalku u dhignaa sidan “Hantideydu waa karti iyo kalsooni, hankeyguna waa qarankeenno ku naalooda caddaalad, sinnaan, midnimo, walaaltinimo, wax-wadalahaanshiyo, is-tixgalin iyo tallo-wadaag. Maanta [shalay] oo ay taarikhdu tahay 28/09/2016waxaan si rasmi ah u iclaaminayaa inaan u taagnahay jagada Musharraxa madaxweyne-kuxigeenka xisbiga WADDANI.

Kadibi markii aan ku qancay in Xisbiga WADDANI yahay Xisbi u diyaar ah isbedel ku dhisan horumar iyo caddaalad.

Kadib markii aan daraaseeyey xeerka xisbiga gaar ahaan qodobkiisa 11 fiqradihiisa 2aad 4aad

Kadib markii aan eegay siday ku iman karto Somaliland ku wada naalooto caddaalad, sinnaan, is-xurmay, wax wada lahaansho, midnimo,

kadib markii aan ku qancay hoggaanka sare ee xisbiga waddani sida dhalinyarada ugu dhiiriyo isbedel cilmi iyo caqli ku dhisan oo dalkan lagu badbaadin karo himiladiisana lagu gaadhi karo.

Markii aan ku qancay in dhallinyarada dalku hankoodu ku koobnayn goolayaasha Deegaanada dalka balse ay jiraan qaar badan oo kamid ah una diyaar ah hanashada hogaanka sare ee dalka. Kadib markii aan arkay in ay mihiim tahay in qabyaaladda umaddan la dhex dhigay lagu daaweeyn karo qalin qorshe iyo qaabeysan oo qarannimadeenu kula jaan qaadi karto dunida casriga ah.

Kadib markii aan qiimeeyey sawirka siyaasadeed ee somalilland iyo soo galintaanka dhalliyarada ee masraxa siyaasadda.

Haddaba waxaan u sheega qof kasta oo kamid ah dhalinyarada dalku iney ku soo dhiiradaan siyaasada una diyaar garoobaan hanadasha hogaanka sare ee dalka wakhti danbe oo la eegto siyaasi ilaa 1963-2016 ummadda hor joogaa loo adkeysan Karimaayo oo qabyaallad umadda la hor jooga lana jaanqaadi kari hanaanka cusub ee dunidu gashay ee ku dhisan tiknolajiyada casriga ah.”