Bariga Afrika Waa Uu Ka Go’ayaa Qaaradda Inteeda Kale, Geeska Afrikana Siima Jiri Doono

0
748

Picture3Hargeysa (Geeska)- Climate-smart agriculture waa mashruuc dunida saddexaad ku jihaysan oo ay haayadda cuntada iyo beeraha ee adduunku ku xaqiijinayso aaminsanaanta ah in horumarinta beeraha, xoolo dhaqashada, kalluumaysiga, daryeelka dhirta iyo kaymuhu in ay tahay habka ugu habboon ee looga gaashaaman karo khasaaraha gaar ahaan dhinaca cuntada ah ee ka dhalanaya isbeddelka cimilad adduunka. Haayadda FAO ayaa sannad kasta qabata shir caalamiya oo lagaga arrinsanayo hirgelinta iyo arrimaha kale ee la xidhiidha mashruucan.

Shir sannadeedkii u dambeeyey oo dhowaan la isugu yimid magaalada Montpellier ee dalka Faransiiska ayaa si weyn loogu qaadaa dhigay khatarta cunto yaraanta ah ee ku soo fool leh qaaradda Afrika haddii aan dhaqso loo qaadin tallaabooyin lagu xakamaynayo isbeddelka cimilada adduunka.

Marka dhinaca togan laga istaago, shirkani waxa uu hoosta ka xariiqay dhammaan xalalka iyo sayniska iyo teknoolajiyadda looga baahan yahay in dhibtan lagu xalliyo, kuwaas oo dhammaantood ah kuwo aanu gaadhitaankoodu fogeyn.

Si kastaba ha ahaato ee waxaa jira isbedello aanay cidina joojin karin, oo  ku imaanaya qaabka dhuleed ee qaaradda, in kasta oo nasiib wanaag aan laga cabsi qabin in ay saameeyaan cuntada qaaradda. Khubarada cilmiga dhulku waxa ay xaqiijiyeen in qaaradda Afrika ay u kala jabaysaa laba waaxood, waxaana ka dhalanaya qaarad kale oo cusub oo aan dhul ahaan yarayn, raadka ugu weyn ee kala fuqaasi uu keeni doonaana waa in Afrika ay waayi doonto Geeska ay caanka ku tahay. Sababta dhulka Afrika u kala jabinaysa labada waaxood waa dil-dillaac cilmiga barashada dhulka ee Geology caddeeyey in uu ku jiro dhulka hoose ee dhinaca bari ee qaaraddan, kaas oo aakhirka sababi doona in qaybta bari ee qaaraddu ka fuqdo dhulka Qaaradda inteeda kale, halkaasna ay soo gasho badweyntu.

Sharraxaad cilmi:

Cidda xusuusan duruustii Juqraafiga ee dugsiyadu waxa ay garanaysaa in dhulku uu ka kooban yahay lakabyo, lakabka ugu sarreeya waxaa lagu magacaabaa qolofka dhulka (The lithosphere), waxa aanu u sii qaybsamaa laba waaxood oo lagu magacaabo saxannada Tektoonik (Tectonic Plates), kuwaas oo maamula qaabka iyo nashqadda Qaaradaha dunida u samaysan yihiin iyo soocidda badaha. Marka hoos loo sii galena Qolof Dhul (Earth’s Crust) waxaa ka sii hooseeya qaybta dhexe ee dhulka oo afka qalaad lagu yidhaahdo Mantle. Haddaba lakabyadan dhulka waxaa muddo cadaadis ku hayey dhaqdhaqaaqa dhulka qaybta Dhexe (Mantle), waxaana ka dhalanayey in si tartiib-tartiib ah qaybta bariga Afrika ee in ay go’ayso lagu wadaa qaddar yar oo Milimitir Millimeter ah si aan la dareensanayn uga sii go’aya qaaradda inteeda kale, taas oo haddii ay dhacdo si weyn wax uga beddelaysa qaabka dhuleed ee dunidu soo ahayd malaayiin sano.

Haddii aynu si kale u dhigno, koonfurta badda casi waxa ay dhacdaa meel ku beegan dil-dillaaca ugu weyn ee ku socda lakabka hoose ee dhulka bariga Afrika, kaas oo muujinaya isbeddel ku dhacaya qaabka is-raacsanaaneed ee dhulku hadda u yaallo, oo ah in uu bariga Afrika ka jarayo qaaradda inteeda kale.

Dhowaan ayuun baa ay saynisyahannadu si qoto dheer u fahmeen sababta uu sannad kasta dhowr Milimitir u sii kordho dil-dillaacan dhulka bariga Afrika ah ka jaraya qaaradda inteeda kale, waxa aanay sheegeen in sababta kala go’an keenaysaa ay tahay xaaladda afka qalaad lagu yidhaahdo superplume oo ah marka kul weyn oo laga yaabo in uu ka dhashay dhagax dhalalaalay, oo ka imanaya lakabyada hoose ee dhulku uu kor ugu soo baxo dhinagaca qolofka sare ee dhulka isaga oo soo maraya dil-dillaaca jiray, taasina ay sababayso in dillaacu uu sii kordho.

Suxuunta Soomaalida:

Mar kasta oo dillaacu sii kordho, waxaa ka dhalanaya in uu sababo in qaybta bari ee dhulka qaaradda Afrika uu ka fuqo inta kale ee qaaradda, illaa ay gaadho in aakhirka uu dillaacaasi isu wareego oo halkaas ay baddu soo gasho, taas oo haddii ay dhacdo ay ka dhalanayso sixin cusub oo ku soo biira juqraafiga dhulka, loona bixin karo sixinka Soomaalida (Somali plate), Afrika qaybteeda hadhaysa ayaa ballaadhan laakiin Geeska Afrika ee ay qaaraddu caanka ku tahay ayaa lagu wadaa in uu raaci doono Sixinka Soomaalida ee go’aya.

Dr. James Hammond oo ka tirsan Waaxda cilmiga dhulka iyo injineeriyadda ee kuliyadda Imperial oo ku taalla magaalada London ayaa isaga oo arrintan sharraxaya yidhi, “Dhowr Milyan oo sano kadib, dil-dillaacana waxa uu keeni doonaa in Afrika ay u qaybsanto laba waaxood, halkaasna ay ka dhalato badweyn aan hore dunida uga jirin, (Oo ah tan dhex maraysa labada qaybood ee Afrika u kala jabot) iyo weliba qaarad cusub.” Dr. Hammond oo faahfaahinta dhacdadan yaabka leh sii wada ayaa intaas ku sii daray, “Marka aynu ka qiyaas qaadanayno juqraafiga hadda ee qaaradda Afrika, dhacdadan macnaheedu waxa uu noqonayaa, in qaaradda weyn ee cusub ee dhalanaysaa ay ka koobnaan doonto Soomaaliya oo isku dhan (Somaliland ku jirto) badh ka mid ah dalalka Itoobiya, Kiinya, iyo Tansaaniya”

Goorma:

Si kastaba ha ahaato ee khubarada barashada cilmiga dhulka ee arrintan xaqiijiyey waxa ay qalbiga dadka reer Afrika ku dejinayaan in xaaladdan dhicisteedu aanay ahayn mid hadda taagan oo weli waqti ka hadhay, Dr. Ayalew ayaa sheegaya in kala fuqaasi uu ku dhamaystirmayo malaayiin sano oo soo socota.

Laakiin Deeje Ayalew oo ah xeeldheere ku takhasusay cilmiga dhulka oo ka tirsan jaamacadda Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa isagu caddeynaya in raagista kala fuqa qaaradda Afrika aanu macnaheedu ahayn in raadadkeedana aan la arki karin, Ayalew waxa uu caddeeyey in durba galbiyood badweynta ka soo maaxaya uu ka soo dhex qaabaysmayo, gobolka bariga Afrika. Sannadkii 2005tii ayaa Ayalew iyo koox khubaro ah oo la socotaa ay qeexeen in banka lama degaanka ah ee badhtamaha dalka Itoobiya lagu arkay dil-dillaacyo furan oo si kordhaysa dhulka uga soo muuqanaya.

Woqooyiga-bri ee Afrika dhulka loo yaqaanno saddex geeska Cafarta, oo ka dhex samaysma dalalka Itoobiya, Ereteriya iyo Jabuuti, waxaa laga soo sheegayaa boqollaal dil-dillaac oo ka muuqda oogada sare ee dhulkaas lama degaanka ah, meelaha qaarna uu dhulkuba hoos u go’ay illaa 100 mitir.  Dr. Hammond ayaa isna sheegay in calaamadahaa lagu arkay dhulka saddex geesoodka Cafartu ay yihiin halka uga habboon ee bar bilow u noqon kara geeddi-socodka daraasadaha arrintan lagu eegayo.

Si kastaba ha ahaato ee, khubaro ku xeel dheer cilmiga isku-dhisyada qolofka dhulka iyo falgallada kiimikaad ee ka dhaca oo ka tirsan maxadka Mining and Technology ee magaalada Socorro ee dalka Maraykanka ayaa  sheegay in xawaaraha kala fuqa dhulka qaaradda Afrika uu ku socdaa aad uga dheeraynayo intii la filayey.

Xigasho: Mail & Guardian Online.