Hargeysa(Geeska)-Banaan bax lagaga soo horjeedo mawqifka Beesha Caalamka ee doorashooyinka islamarkaana lagu taageerayo go’aankii Madaxweyne Siilaanyo ku kala qaaday labada doorasho ee wakiilada iyo madaxtooyada, ayaa shalay ka dhacay duleedka madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa.
Banaanbaxan oo uu xisbiga Waddani sheegay inay xukuumadu soo abaabushay, ayaa waxa ka qayb galay dad dhallinyaro ah oo u badnaa ardayda dugsiyada dawladda oo si qorshaysan looga soo dareeriyay xiisadihii ay ku jireen islamarkaana sitay boodhadh iyo hal ku dhegyo kale oo laga sii shaqeeyay oo ka dhan ah beesha caalamka.
Waxa kale oo mudaharaadka ka dhex muuqday qaar ka mid ah dadka xidhiidhka la leh madaxtooyada.
Banaan baxan oo abaabulkiisa habeen hore laga dareemayay magaalada Hargeysa, waxa ay dhallinyarada ardayda ah ee ka qayb gashay ku tiraabayeen weedho ka dhan ah go’aankii beesha caalamka islamarkaana lagu taageerayay go’aanka Madaxweyne Siilaanyo.
Qaar ka mid ah dadweynihii banaan baxa ka qayb galayay ayaa saxaafadda u sheegay in maamulka gobalka Maroodi jeex uu ku wargeliyay habeen hore abaabulka dibad baxan.
Guddoomiyaha gobollka Maroodi Maxamuud Ismaaciil Cilmi, ayaa ugu horeyn faahfaahin ka bixiyay banaan-baxan, waxaanu isagoo saxaafadda la hadlay uu yidhi “Banaan-baxan balaadhan ee shacabka Somalilad sameeyeen waxa ujeedadiisu tahay in lagu taageero madaxweynaha go’aankii geesimada lahaa ee uu ku kala qaaday labada doorasho ee madaxtooyada iyo wakiilada, isaga oo u arkay kala qaadista labadaasi doorasho in ay dani ugu jirto guud ahaan qaranka Somaliland. Madaxweynuhu waa ka aynu u dooranay maslaxadda ummada iyo Qaranka Somaliland, mucaaridkana waxaan leeyahay waxaad sheegteen in aad tallada kala qaadista Madaxweynaha u dhiibteen markaa waa in wixii uu soo saaro aad ku kalsoonaataan,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Maroodi-jeex.
Maamulaha dugsiga sare ee Faarax Oomaar, Siciid Cabdi Shiil oo ka mid ahaa dadkii warbaahinta la hadlay ee horkacayay Mudaharaadkan, ayaa sheegay inay taageersan yihiin qaraarka uu madaxweynuhu ku kala qaaday labada doorasho kuna hambalyaynayaan.
Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa xukuumadda ku eedeeyay abaabulka mudaharaadkan, waxaanay ku tilmaameen banaan bax sharci darro ah oo aan loo soo marin jidadkii sharci.
Xisbiga Waddani wuxuu ugu baaqay xukuumadda Somaliland inaanay kala dilin shacabka Somaliland iyo beesha caalamka.
Xisbiga Waddani wuxuu shacabka Somaliland ugu baaqay inaanay madaxtooyadu ka horkeenin beeshii caalamka ee ictiraafka laga sugayay.