Badhasaabka Gobalka Awdal Oo Ka Hadlay Guriga Guddoomiyaha Gobalka Ee la Iibiyay

0
559

Hargeysa (Geeska)-Badhasaabka Gobolka Awdal Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine), ayaa ka hadlay warka ah iibka xafiiskiisa Gobolka Awdal,waxaanu sheegay in wax isaga khuseeya hadda aanay ahayn, ee arinta  iibka Xarunta Awdal ay isaga ka horeeysay, ilaa haddana aanay ka guurin ee ay ku jiraan.

Badhasaabka Gobolka Awdal Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine), oo Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiinay arintan ayaa sidoo kale sheegay inay Xukuumaddu xaq u leedahay inay iibiso xafiiskan si ay u dhisato xafiis ka qurux badan, waxaanu yidhi “Waan maqlay, laakiin wax aniga iga horeeyey ayuu ka hadlayaa, wax aniga hadda I khuseeya maaha, ee Badhasaabkii iga horeeyey ayaa la weydiin karaa, Xafiiskan la yidhi waa la iibiyeyna waanu ku jirnaa, laakiin dawladdu xaq bay u leedahay inay iibiso xafiiskeeda, haddii ay galayso mid ka fiican”