Badhasaabka Awdal Oo Soo Bandhigay Hub Culus Oo Ay Ciidamadu Soo Qabteen

0
637

Picture3Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Gobolka Awdal  Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa ka hadlay Hub aad u badan oo ay gacanta ku dhigeen, iyada oo Hubkani uu iskugu jira Hoobiyayaal, Rasaas iyo Walxaha qarxa, waxaanu sheegay in Hubkan oo ay qabteen Ciidamada Nabadgeliyada ee ka hawl-gala Gobolkaas inay sidoo kale ay gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah dadkii waday Hubkan.

Badhasaab Ramaax, wuxuu sheegay inay dadka kale ee ku lugta lahaa hubkan  ay ku daba jiraan, isla markaana ay wadaan baadhiitaan ku tacaluqa Hubkan,  

Guddoomiyaha Gobolka Awdal  Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax),ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay in Hubkan ay gacanta ku dhigeen  khatar ku yeelan karo Dalka iyo Wadamada jaarkaba,  wakhti wanaagsana gacanta lagu dhigay, waxaanu yidhi isaga oo arintan ka hadlaya  “Waxaan runtii  aad iyo aad ugu mahadnaqayaa Ciidamada Booliska iyo dhammaan Ciidamada Jamhuuriyada Somaliland, haddii ay tahay Qaranka oo runtii ka hawlgalay hawshan, aynu arkayno oo runtii khatar ku ahayd Nabadgeliyada Somaliland iyo Dalalka aynu jaarka nahayba, baadhistu wey socota waxaanan rajaynayaa Insha Allah in hawgalada caynkaas oo kale ah ay noqdaan qaar aad iyo aad loogu guulaysto.”

Guddoomiyaha Gobolka Awdal Ramaax ayaa mar uu ka hadlayey hubkan waxa uu ka kooban yahay iyo cidda ay u qabteen ayaa yidhi “In waa loo hayaa midna waa la daba joogaa, alaabtani waxa ay ka kooban tahay laba hoobiye, Rasaasta hoobiyaha oo tiro badana, xabagta hoobiyaha, baaruuda cad, baruuda madaw iyo alaabo badan oo lagu isticmaali karo in wax lagu qarxiyo, sidaas darteed waa arin halis weyn ku ah Jahmuuriyada Somaliland iyo dalalka aynu jaarka nahayba”.