Baarlamaanka Sweden Oo Madaxweyne Siilaanyo, Guddiga Doroashada Iyo Xisbiyada U Soo Diray Waraaq Culus Oo Doorashada Ku Saabsan

0
970

Hargeysa(Geeska)-Lix xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka dalka Sweden, ayaa warqad u soo qoray madaxweyne Siilaanyo, saddexda xisbi qaran iyo guddiga doorashooyinka qaranka.

Xildhibaanadan oo ka soo jeeda xisbiyada dalka Sweden ka jira islamarkaana ah saaxiibo u dooda qaddiyadda iyo horumarka Somaliland, waxa ay warqadoodan si adag ugu baaqeen inay Somaliland muhiim u tahay in doorashada madaxtooyada ee 13 November noqoto mid xor iyo xalaal ah, xisbiyada mucaaradkana loo ogolaado inay isticmaalaan warbaahinta qaranka. Waxa kale oo ay hay’adaha ammaanka ugu baaqeen inay u shaqeeyaan si xirfad leh oo dhexdhexaadnimo ah. Qoraalkooda oo dhammaystiran oo uu nuqul ka mid ah Geeska Afrika helay, kuna saxeexanyihin lix xildhibaan, waxa ay ku tilmaameen inay Somaliland horumar ka gaadhay doorashooyinka, kaas oo ah wax ay ku faani karaan shacabka Somaliland “Hadda waxa muhiim ah.” ayay yidhaahdeen “In horumarka dimuqraadiyadeed uu sii socdo. Indhaha caalamku waxay soo eegayaan Somaliland, sidaas daraadeed waxa muhiim ah in doorashada madaxtooyadu ku qabsoonto jawi nabadgelyo.”

Waxay intaas ku dareen “Waxaanu ugu baaqaynaa dhammaan dadka reer Somaliland inay ka shaqeeyaan doorasho nabadgelyo ah oo lagu kalsoonaan karo.  Doorasho xor iyo xalaal ahi waxa lagu gartaa xaqiida ah in xisbiyadu mucaaradku isticmaali karaan warbaahinta qaranku leeyahay. Sidaas daraadeed dhinacyada oo dhami waa inay isticmaali karaan warbaahinta dawladda.”

Iyagoo ugu dambayn la hadlaya hay’adaha ammaanka waxay yidhaahdeen “Hay’adaha ammaanku waa inay shaqadooda u gutaan si xirfad leh oo dhexdhexaad ah, iyadoon la eegayn natiijada soo bixi doonta. In la qabto doorasho xor iyo xalaal ahi waxay muhiim u tahay horumarka iyo aqoonsiga Somaliland. Sidaas daraadeed, dhinacyada oo dhami waa inay u midoobaan sidii ay u damaanad qaadi lahaayeen doorasho xor iyo xalaal ah.”

Xildhibaanada ayaa kala ah:

  1. Birgitta Ohlsson Member of Parliament (The Liberal Party)
  2. Member of Committee on Foreign Affairs Former Minister for European Union Affairs
  3. Margareta Cederfelt Member of Parliament (The Moderate Party) Member of Committee on Foreign Affairs Deputy Chair OSCE Delegation OSCE PA, Vice President (Parliamentarians for Global Action, Chair of the International Council)
  4. Amir Adan Member of Parliament (The Moderate Party) Member of Committee on Social Affairs Member PAUFM Delegation (Parliamentary Assembly of the Union for the Mediterranean)
  5. Hillevi Larsson Member of Parliament (The Social Democratic Party) Member of Committee on Civil Affairs
  6. Magnus Oscarsson Member of Parliament (The Christian Democrat) Member of Committee on European Union Affairs
  7. Daniel Bäckström Member of Parliament (The Centre Party) Member of Committee on Defense Affairs