Baanka Daarasalaam Oo Tababar Muhiim Ah U Qabtay Shaqaalihiisa

0
588

Hargeysa (Geeska)-Tababar ku saabsan sida loo horumariyo baananka Islaamka si aqoontooda la gaadhsiiyo heerka aqoonta baananka caalamiga ee islaamiga ahi ku shaqeeyaan ayaa shalay loo soo gabagaabeeyey shaqaale ka tirsan Darasalaam Bank, tababarkana waxa bixisay Al-Macaali Consultant Firm oo ah shirkad caalami ah oo bixisa aqoonsiga aqoonta  Baananka Caalamiga ah.

b

Tababarkan oo socday muddo dhan afar cisho una socday Soddon Shaqaale ah oo ka tirsan Shaqaalaha Darasalam Bank Somaliland, Darasakaan Afrikan Bank Jabuuti iyo  Salama Bank Somalia iyo Darasalaam Bank Somaliland ayaa munaasibadii xidhitaanka waxa ka soo qayb galay masuuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha guud ee Shirkada Telesom Group Cabdikariim Maxamed Iid, Madaxa Darasalaam Bank, Masuuliyiin ka socday Shirkada Al-macaali, Shaqaalihii Tababarka qaadanaayey, iyo masuuliyiin kale.

Naasir Siciid Sulub, oo ka tirsan masuuliyiinta Shirkada Darasalaam Bank, isla markaana ah Madaxa Xafiiska Shaqada iyo Shaqalahaa oo isagu ugu horeyn halkaas ka hadlay ayaa ka xog waramay ujeedada loo qabtay tababarkan, waxaanu sheegay in Tababarkani ujeedadiisu ahaa sidii loo kobcin lahaa shaqaalaha, waxaana uu tilmaamay in tababarkani wejigiisi kowaad uu dhammaaday shalay, halka uu wejigiisii labaad uu bilaamayo maanta.

Dr Ismaaciil Aadan, oo isagu ka socday Al-macaali oo ah khabiir muddo afartan sanno ah ka shaqeeynayey hawlaha Baananka oo halkaas ka hadlay ayaa yidhi "Sidaad la socoteen barnaamijku waxa uu socday muddo afar cisho ah, marka muddada afarta cisho ah aad ayaan ugu faraxsanahay sida wanaagsan sodonkii qof ee ka soo qayb galay oo niyad samiya ee ay uga soo qayb galeen".

Waxa kale oo uu ka xog waramay adeegyada kala duwan ee ay shirkada Al-macaali Group ay bixiso, isaga oo sheegay in shirkadani ay tahay shirkad caalamiya oo hadba adeegyo kala duwan oo dhinaca islaamka ah siisa Banaanka Islaamka, waxaanu si gaar ah ugu mahadnaqay Shirkada Telesom iyo Baanka Darasalaam.

Dr Caadif Al Shacraawi Ibraahim oo isna ah masuul ka tirsan Shirkad Al-macaali, oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa isna dhankiisa ka hadlay qiimaha uu Tababarkani leeyahay, waxaanu tilmaamay inuu qiimo badan u yeelan doono Tababarkani Shaqaalaha qaatay.

Masuulka Darasalaam Bank Maxamed Ibraahim Xaaji Muuse oo isna halkaas ka hadlay ayaa waxa uu ka xog waramay ujeedada tababarkani leeyahay, isagoo sidoo kale ka xog waramay xubnaha  kala duwan ee Tababarkani qaadanaayey, isaga oo sheegay in Shaqaalo ka tirsan Darasalaam Bank, gaar ahaan Wadamada aynu jaarka nahay iyo Shaqaalo ka tirsan Zaadku inay qaadanaayeen Tababarkan, waxaanu si gaar ah ugu mahadnaqay Shirkada Al-macaali Group, oo uu sheegay inuu aad ugu faraxsan ahay inay dalka keenan kuna soo dhaweeyaan.

Guddoomiyaha Guud ee Shirkada Telesom Group Cabdikariim Maxamed Ciid oo isaguna munaasibadaas ka hadlay ayaa yidhi "Waxa farxad aan la soo koobi karin runtii noo ah in aan idinkala soo qayb galo xidhitaanka Tababar wejigii hore ee ay inoo fidisay Al-macaali Group, oo runtii taxakhasuskeedu yahay Islamic Banking Managment Consultant, waan u mahadcelinayaa ka soo qayb galayaasha fursada ay runtii siiyeen walaalahooda ka soo qayb galay, waxa kale oo aan halkan uga mahadcelinayaa ka soo qayb galayaasha ka yimid bangiyada kala gadisan ee Salaam Afrikan Bank,  Salaama Bank Somalia iyo Darasalam Bank Somaliland".

Guddoomiyaha guud ee Shirkada Telesom Group ayaa dhanka kale waxa u si xeel dheer uga hadlay ujeedada uu Tababarkani daarnaa, waxaanu sheegay in Tababarkani faa'iido badan leeyahay, waxaanu Shaqaalihii kala duwanaa ee qaatay Tababarkan ugu baaqay in sida ugu fiican ugu faa'iidaystaan, oo hawlahooda shaqo ku dabaqaan, waxaanu si gaar ah ugu mahadnaqay Shirkada Al-macaali Group. 

Dhanka kale waxa iyana halkaas ka hadlay Masuuliyiin ka tirsan Bangiga Darasalaam ee Wadamada Jabuuti iyo Somaliya, iyaga oo tilmaamay in Tababarkani qiimo badan u leeyahay, isla markaana hawlahooda shaqo wax badan uu ka tari doono.