Hargeysa (Geeska)-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Dr Cabdilaahi Yuusuf Axmed, ayaa ka hadlay dagaalka dhimashada iyo dhaawaca keenay ee dhexmaray labada Beelood ee walaalaha ah, waxayna sheegeen dagaalku dhib mooye aanu dheef lahayn, loona baahan yahay in sida ugu dhakhsaha badan wax looga qabato.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Dr Cabdilaahi Yuusuf Axmed, oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya ayaa ugu horeyn Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland uu sheegay in qof walba oo si badheedh ah uga qayb qaata ama u dila ama maal ku bixiya qof muslim ah dhiigisa in aakhiro meel xumi u dambayso oo uu naarta galayo, waxaanu labada beelood ugu baaqay in sida ugu dhakhsaha badan nabada u qaatan, oo colaada iyo dagaalka iska dayaan, Xukuumaddana wuxuu ugu baaqay inay gacan bir ah wax kaga qabato, waxaanu yidhi “Qofka gooya naf muslim ah, waa ehelu naar, qofka isna dabka shida, waa la mid, qofka isna ku bixiya lacag dagaal ama dhiiga qof muslim ah isna waa la mid, ee Dawladda waxaan ku dhiirigelinayaa inay gacan bir ah ku qabato cid walba oo colaad abuuraysa, sida ugu dhakhsaha badana wax uga qabato dagaalkan dhexmaray Beelahan walaalaha ah, waxaana wacan in mar walba nasteexa iyo wanaaga laga wada shaqeeyo”.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Dr Cabdilaahi Yuusuf Axmed, ayaa isna wuxuu baaq nabadeed u diray labadan beelood ee walaalaha ah, ee dagaalku dhexmaray, waxaanu sheegay in dagaalku khasaare mooye aanu faa’iido lahayn, waxaanu yidhi “ALLE ha inaga qaboojiyo colaada labadan beelood ee walaalaha ah, dagaalkuna khasaare mooye, haba yaraate wax faa’iido ah ma leh, dhib mooye wax dheef ah ma leh, labadan beelood iyaga ayaa isku deegaan ah, iyaga is dhalay, ayaa isku waalid ah, cid iska xigta ma jirto, waana dambi weyn in sabab la’aan dhiig loo daadiyo, qofna loo dile, ee dagaalka ha la joojiyo, colaada ha la joojiyo, oo nabada ha la qaato, nabadgalyada wax ka qaalisani ma jirto, ALLE waxaynu ka baryeynaa inuu u naxariisto dadkii ku dhintay, kuwa dhaawacana inuu shaafiyo, waana in sida ugu dhakhsaha badan loogu gurmadaa, oo loo kala dhexgalaa, lana heshiisayaa”.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa isna kal-fadhigii shalay ee Golaha Guurtida wuxuu ka sheegay in Xildhibaano ka socda Golaha Guurtida u dirayaan labadan beelood si ay uga qayb qaatan heshiiska labadan beelood, waxaanu yidhi“Todoba dhimasho ah iyo labaatan dhaawaca ah ayaanu haynaa waa intii hadda, wixii hore maaha, waa intii saddexdan maalmood, ILLAAHAY ha kala qaboojiyo ayeynu leenahay, iyana waxaanu leenahay waar kala jooga, nabada qaata, Raggiina u tudha, Qarankana u tudha, beri ilaa saadanbe ugu dambayn in la baxo weeye, wefti 11 Xildhibaan ah iyo Xoghaynta oo raaca ayeynu diraynaa, gurmad baynu u rajaynaynaa, iyana waxaynu leenahay waar kala jooga ilmaadeerayaal, oo taloow kala jooga”.