Hargeysa (Geeska) – Guddiga Qaran ee ka hor-tagga iyo la dagaalanka Cudurka Covid_19 ee Somaliland ayaa soo saaray awaamiir cusub, ka dib markii Maanta la shaaciyey in Saddex qof oo kale laga helay Xanuunka, kuwaasi oo ku kala sugan Magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama.
Guddiga oo ka shidaal-qaadanaya Khatarta xilligan jirta ayaa soo saaray awaamiir ay ka mid tahay in laga xidho Masaajiddada, in la dhimo Tiradii ay Gaadiidka Dadweynaha ee Magaalooyinka ka dhex shaqeeyaa iyo kuwo Magaalooyinka u kala goosha.
Sidoo kale,waxa Awaamiirta ay soo saareen ka mid ah Muddo 4 Toddobaad ah oo lagu daray Wakhtiga ay xidhnaanayaan Goobaha Waxbarashada.
Go’aammada ay soo saareen Guddigu oo gaadhay Geeska Afrika ayaa u qornaa sidan:-
Geeska.net/Hargeisa Office