Awaamiir Adag Oo Laga Soo Saaray Colaadda Deegaanka Ceel-afweyn

0
674

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Yaasiin X. Maxamuud Faratoon, ayaa ku dhawaaqay inay awood ciidan ay xukuumadu  dul dhigtay labada beelood ee ku dagaalmay deegaanka Ceel-afweyn.

Waxa uu wasiirku ugu baaqay dadka waxgaradka ah ee labadan beelood inay ka shaqeeyaan daminta colaadaas, xukuumaduna ay xabsiga dhigi doonto cid kasta oo ay u aragto inay nabada ka hor imanayso. Wasiir  Yaasiin X. Maxamuud Faratoon oo warbaahinta Hargeysa kula hadlaayay waxa uu yidhi "Waxa mar labaad soo cusboonaaday dagaal todobaadkan ka dhex dhacay labadii beelood ee deegaanka Ceel-afweyn, waxa ku dhintay ilaa todoba qof dad labaatan ku dhawna waa ay ku dhaawacmeen, aad iyo aad ayay nasiib daro u tahay, bulshadi deegaankaas daganaydna xasilooni daro badan oo aan loo baahnay ayaa ku dhacday, waxaanu shirkan jaraa'id u qabanay inaan halkan ka sheegno in arintaas ay dawladu gacanta ku hayso oo meelihii ay wax ka dhaceen iyo aagagii ay labadaas reer wada daganaayeen ciidamo iyo awood badan oo dawladu leedahay la geeyay, hadana ay xasilooni ka jirto intii dhimatay waa dhimatay dhaawacyadiina waxa loo daad gureeyay meelo lagu daweeyo oo qaarna Burco la geeyay kuwana Hargeysa."

Wasiirka arimaha gudaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi"Waxa ay dawladu ku jirtaa in shaqaaqadaas la soo afjaro oo waxii awoodeeda ah ay dawladu xooga saarayso, waxa jirtay in markii hore beelaha qaar la soo sheegayay meelo ciidamo laysugu urursaday laakiin intii ciidanka dawladu boolis iyo milatariba ay xooga u galeen, way yaraadeen, waxaanu dadka u sheegaynaa in dawladu ay arintaas xoogeeda oo dhan saarayso in la qabanaayo dhamaan cidii loo arko qoorweynta ee loo arko inay fidnadaas sii hurinayaan, kuwana waanu qabanay kuwana raadkooda ayaanu ku taaganahay, waxii odayaal ah waxa laga sugayaa nabadaasi sida ay ku xasili lahayd ay ka qaybqaataan."

Ugu danbayntii waxa uu wsiirka arrimaha guduhu uu sheegay in ay ka shaqayn doonaan nabadaynta beelaha waalaalaha ah ee dagaalamay"Arintan imika dhacday iyo kuwii dagaaladii hore ahaa ee meelaha qaar ka dhacay ayaa ka garnaqoodii iyo sidii loo soo afjari lahaa dawladu ay galaysaa, waxa laga filayaa dadkaas walaalaha ah ee wada dhashay ee isku noosha ah inay joojiyaan waxii arintaas dib u soo noolaynaaya, dawladuna waxay go'aan ku gaadhay in aanay awoodeeda waxba kala hadhin, haday xadhig tahay, haday ciidan tahay ilaa toogasho iyo dil haday noqonayso."