Askari Borama Ku Toogtay Saraakiil Ciidankiisa Ka Tirsan

0
503

Picture6Borama(Geeska)-Askari ka tirsan ciidanka qaranka ayaa shalay toogtay laba sarkaal oo ka tirsan ciidanka qaranka oo uu mid ka mid ahi geeriyooday.

Wararka ayaa sheegaya in barqadii shalay nin askari ahi uu toogtay taliyaha aagga galbeed ee ciidanka qaranka Somaliland, gashaalne sare Xasan Caqli iyo xiddigle Faarax Carraale.

Gudoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa sheegay in xidigle Faarax Caraale uu markiiba goobta ku geeriyooday, halka uu Gaashaanle sare Xasan Caqli qabo dhaawac culus.

Gudoomiye Ramaax waxa uu intaa ku daray in askariga toogtay saraakiishan oo ku sugnaa xerada ciidanka qaranka  ee magaalada Boorama markiiba la qabtay oo uu hadda xidhan yahay.

Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa isna dhinaciisa sheegay in la bilaabay baadhis ku saabsan sababta dilka keentay islamarkaana askariga sharcig la horgayn doono.

Waa sarkaalkii afaraad ee ka tirsan ciidammada Somaliland oo labadii sano ee u danbeeyay ay toogtaan askar ay u talinayeen.