Al-Shabaab Oo Xalay Cadaysay Inuu Geeriyooday Hoggaamiyahoodii, Islamarkaana Magacaabay Hoggaamiye Cusub Oo Bedeli Doona

0
536

Picture8Hargeysa(Geeska)-Kooxda Al-Shabaab ayaa xaqiijisay geerida hoggaamiyahoodii Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaanay Abu Subeyr, waxaanay wacad ku mareen inay u aar-gudi doonaan.

Warsaxafadeed ay Al-Shabaab xalay soo saartay oo ku qoran luuqadaha Ingiriisida iyo Carabiga, ayaa waxay ay Al-Shabaab ku xaqiijisay in hoggaamiyahoodii uu geeriyooday, waaxanay cadeeyeen magaca hoggaamiyaha bedeli doona oo ah Axmed Cumar oo loo yaqaano Abu Cubeyda.

Al-Shabaab waxa ay sheegeen inay hoggaamiyaha Al-Shabaab la geeriyoodeen laba sarkaal oo la socday.  Waxay sheegeen inay weerarkii Maraykanka ku geeriyoodeen hoggaamiyaha Al-Shabaab iyo laba nin oo la socday 7 Dhul-Qa’dah 1435 ee taariikhda hijriyada oo ku beegan toddobaadkii hore.

Al-Shabaab waxay warsaxaafadeedkooda ku sheegeen inay umadda Muslimiinta ah ka tacsiyaynayaan geerida hoggaamiyahoodii, waxaanay si gaar ah u tacsiyeeyeen Mulah Cumar iyo hoggaamiyaha Al-Qaaciida Ayman Dawaahiri.

Al-Shabaab waxay sheegtay in hoggaanka Al-Shabaab uu noqon doono Sheekh Axmed Cumar Abu-Cubaydah, waxaanay sheegeen inay halkaas ka sii wadi doonaan dagaalada."Abu Cubeydah" waxaa da'diisa lagu sheegay 40 meeyo, sida ay xalay idaacadaha Muqdisho baahiyeen.

War-saxaafadeedka ururka ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay cusboonaysiinayso u hoggaansamidda hoggaamiyaha al-Qaacida Ayman al-Dawaahir.