Al-Shabaab Oo Weerar Culus Xalay Fiidkii Ku Qaaday Afgooye

0
550

Ugu yaraan 10 ruux, ayaa lagu waramaya inay ku dhinteen, tiro kalena ay dhaawacmeen, kadib markii maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ay shalay weerar ku qaadeen degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ee dalka Somaliya.

1

Dagaal culus ayaa ka dhacay  degmada Afgooye oo 30 km dhinaca konfureed kaga beegan caasimadda Muqdisho. Dagaalamayaasha Shabaab oo weerarka soo qaaday ayaa la sheegay inay gudaha u galeen magaalada.

Dagaalka ayaa bilowday ka dib markii gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray saldhig ay daganaayeen ciidamada dawladda Soomaaliya. Dabley aad u hubaysan ayaa markaa dabadeed weeraray dhawr saldhig oo ay ciidamadu fadhiyeen.

Dadka deegaanka ayaa BBC-da us heegay in dad badan oo ay ku jiraan ciidammada dowladda ay ku dhaawacmeen dagaalka.

Masuuliyiin ka tirsan dawladda Koonfur galbeed ee Somaliya ayaa ku geeriyooday weerarkaas Al-Shabaab.

Al-shabaab ayaa sheegtay in dagaalamayaashooda ay la wareegeen magaalada, balse maamulka degmada ayaa BBC-da u sheegay in wali dagaaladu ay socdaan.

Saldhig ay leeyihiin ciidammada Midowag Afrika ee AMISOM ayaa sidoo kale la weeraray

Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibrahim Aden ayaa  sheegay in dagaal dhawr jiho ah lagu soo qaaday degmada Afgooye isla markaana uu dagaalkaasi xoogiisu hadda ka socdo xarunta degmada iyo saldhiga booliska.

Al-Shabaab dhankooda waxay sheegeen in ay gacanta ku hayaan dhamaan saldhigyadii ciidamada dawladda ee Afgooye.

Ciidammada Midowga Afrika ayaa ka saarray magaaldaasi Kooxda Shabaab sanaddii 2012-ka.

Weerarka, ayaa la tilmaamay in uu ku billowdey qarax, dabadeena ay maleeshiyaad Shabaabka ka tirsan gudaha u galeen qeyb ka mid ah saldhigga booliska.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jira dhinacyadii dagaallamay iyo dad rayid ah.