Afhayeenkii Al Qaida Oo Maxkamada Lasoo Taagay

0
723

 

Suleymaan Abu Qayd Afhayeenkii hore ee Al Qaida isla markaana uu soddoga u ahaa Osama Bin Ladin ayaa markii Maxkamada New York lasoo taagay iska difaacay eedeynta ay kusoo oogtay Xeer illaalinta Maraykanka.

Suleyman Abu Qayd ayaa jimcihii gelinkii danbe lasoo taagay maxkamada magaalada New York ee dalka Maraykanka, waxaana loo heystaa inuu xubin ka ahaa urur Argagaxiso isla markaana uu ka shaqeenayey sidii loo dili lahaa shacabka Maraykanka.

Suleymanaa Abu Qayd oo la weydiiyey inuu qiranayo danbiyada lagu soo oogay iyo in kale ayaa gebi ahaan beeniyey dacwada ay xeer illaalinta Maraykanka kusoo oogtay, waxaana lagu wadaa in dhawaan maxkamadiisa dhageysigeeda ay bilaabato, waxaana difaacaya ninkna Qareen loo qabtay.

Suleymaan Abu Qayd ayaa ah 47 sano jir u dhashay dalka Kuwayt wuxuuna qabaa mid kamid ah gabadhaha waaweyn ee uu dhalay hogaamiyihii Al Qaida, Osama Bin Ladin.

Xeer illaaliyaha Guud ee Maraykanka Eric Holder, oo ka hadlay Maxkamadeynta Suleymaan Abu Qayd ayaa sheegay in dowlada Maraykanka marnaba ka daali doonin dabagalka ama soo qabashada xubnihii ka danbeeyey weerarkii Maraykanka lagu soo qaaday 11kii September 2001.

Qabashadii Suleymaan Abu Qayd oo tan iyo dhamaakdii 2001 ku noolaa dalka Iran ayaa ah mid la yaableh. Suleymaan oo in muddo ah ku noolaa dalka Iran ayaa bishii lasoo dhaafay ee Feberwari  si qarsoodi ah ku yimid dalka Turkiga, dowlada Turkiga oo hore u qabatay ayaan u dhiibin dowlada Maraykanka, ninka oo la sheegay in laga tarxiilay Turkiga ayaa lagu qabtay dalka Urdun xili uu kusii jeeday wadanka uu kasoo jeedo ee Kuwaty. Dowlada Urdun (Jordan) ayaa todobaadkii lasoo dhaafay u gudbisay dhinaca Maraykanka.