Afar Qof Oo Ku Dhaawacmay Xabad Ka Fakatay Askari Boolis Ah

0
732

Picture5Hargeysa(Geeska)-Afar qof ayaa dhaawacmay, kadib markii Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland, ay xabadi kaga qaraxday, iyada oo Afarta qof ee dhaawacu soo gaadhay ay laba ahaayeen Ciidanka Booliska, halka Labada qof ee kalena ay ahaayeen Shacab. Shilkan sababay dhaawaca ayaa ka dhacay Badhtamaha Magaalada Hargeysa, gaar ahaana Kaalinta Shidaalka ee Cajab.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan oo Warbaahinta kula hadlay Cisbitaalka Hargeysa oo lagu dawaynayo dadka dhaawaca ah ayaa si kooban uga hadlay dhacdadaasi waxaanu yidhi“ Arintaasi Imikuun bay dhacday, baadhistii ayaanu imika bilawnay oo baadhista ka hor dhici maayo, laba qof oo shacab ah iyo laba Askari ayaa dhaawac ah, baadhista ka hor dhici maayo, , wixii dambena dib ayaanu ka soo sheegi.”Askariga ayaa la sheegayaa inay xabadu ka qaraxday.