Aabbo, Mujaahid Diiriye (Madaxey): Erey tagtadaadii ah, Erey mahad-celin ah iyo Erey sagootin ah

0
736

Naanays duug lahayd,

 Magac durugsanaa,

 Ayeydaadi Deggan,

 Ayaa deexashada,

 Kuugu deeqdayoo,

 Madaxeyna duub,

 kuu doortayoo,

 Dadba kuu jeclayd,"

Ereyadii Boobe,

Hargeysa, 7/4/2015ka,

Mujaahid Diiriye Boobe wuxu ahaa ilmahaygii saddeexaad. Waa da'aaddii dhalatay 14/4/1981kii. Waa Bah Marwo Mujaahid Faadumo-cawo. Waxa ka dhalasho horreeyay Bilan iyo Caynaan. Bilan iyo Caynaanba waan la joogay markii ay ku dhalanayeen cisbitaal Benaadir oo Muqdisho ku yaal. Diiriye isla cisbitaalkaas ayuu ku dhashay 14/4/1981kii aniga oo dalka ka maqan. Hooyadii ayaa Diiriye u bixisay. Aniga oo jooga magaalada Rooma ee Xarunta u ah dalkaa Talyaaniga ayaa la ii soo sheegay. Waxaan ka soo noqday markaas magaalada Geneva ee Xarunta u ah dalka Swizerland aniga oo kaga qayb-galay shir lagaga hadlayay Qaxootiga adduunka. Waxaan xilligaa ka mid ahaa Jabhaddii Somali-galbeed oo aan ka tirsanaa Golaheeda Dhexe isla markaana ahaa Badhisaabka Gobolka Xarshimeed. Run ahaantii ma aan ahayn, bal se waan ku magacawnaa ama ku sawirnaaba.

Mujaahid Diiriye waxa araggiisa iigu horreysay badhtamihii bishii Jeeniweri ee 1984kii oo aan Jabuuti kula kulmay reerkayga oo baxsad ah aniga oo markaa ka soo noqday magaalda Cadan oo aanu ku tagnay wefdi SNM ah oo uu Guddoomiye Koosaar hoggaaminayay. Markaas waxay ahaayeen: Marwo Mujaahid Faadumo-cawo, Bilan, Caynaan iyo Diiriye. Markii dambe waxa dhashay: Aw yuusuf iyo Mujaahid Ayaanle. Hooyaday Xaajiya Cibaado Xaaji Abokor ayaa guriga nagula noolayd ilaa intii ay ka dhimanaysay, Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo e'. Waa dhaqan ayeeyo in ay carruurta ay ayayda u tahay naanayso iyo magacyo ku suntato iyada oo astaamo iyo macnayaal iyada u gaar ah tix-raac iyo tusmaba ka dhiganaysa. Caynaan waxay ula baxday Rooraaye. Diiriye oo ay dadba ugu jeclayd isagana waxay u taqaannay Madaxey. Aw Yuusuf, waxay u taqaannay Caloolay, Mujaahid Ayaanlena waxay u taqaannay Xiirey oo timo ayaanu lahayn yaraantiisii. Xiirey qudhiisa waa ay jeclayd oo gogosha iyo weysada ayuu u qaadi jiray.

Abriil, 1981kii ayaan reerkayga iyo carruurtayda ka dibad-baxay oo u boqoolay halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee SNM horseedka ka ahayd. 1991kii ayaa dalka oo burbursan la soo galay. Dhowr sannadood ka dib ayaa shaqo xidhiidhsan iigu horreysay aniga oo muddadii ugu dheereyd ka hawl-galay Akaademiga Nabadda iyo Horumarka. Laga bilaabo waqtigaas ayaan carruurtayda iyo reerkayga nolol hagaagsan la bilaabayaa. Waxbarashadoodii ayay si xidhiidhsan u bilaabayaan. Mujaahid Diiriye (Madaxey) sidaas ayuu waxbarashadii caadiga ahayd iyo dhowr sannadood oo tacliin sare ah oo Malleeshiya ah ku soo qaadanayaa. Jabuuti ayaa qaddarku ku helay oo uu ku dhintay, laguna aasay. Waa ilmahaygii labaad ee Jabuuti ku dhinta ee laguna aaso. Waxa ka horreysay Mujaahid Cawo oo iyaduna maalinta amran ee 6/4/2005kii ku dhimatay Jabuuti laguna aasay iyada oo marka horena ku dhalatay Diri-dhabe 24/1/1984kii. Waa qaddarka Eebbe. Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo. Cawo waxay ka tagtay gabadh la yidhaahdo Sawsan oo hadda 13 jir ah. Cawo waxay ahayd Bah-Sahiira oo reer Diri-dhabe ayay ahaayeen.

Erey mahad-celin ah:

Mujaahid Diiriye, maalin Isniin ahayd oo ay taariikhdu ku beegnayd 23kii Maarj, 2015ka ayaan ku booqday qolkii 29aad ee uu kaga jiray Cisbitaalka Peltier ee Jabuuti. Hooyadii ayaa la joogtay kontonkii maalmood ee ugu dambeeyayba. Waxaan Jabuuti ka soo dhoofay 27/3/2015ka. Hargeysa waxaan ka soo degay ku-sinnaan 3.30 saacadood ee galabnimo. Sabtidii, 28/3/2015ka, ku-sinnaan 3.15 saacadood ee gelinkii dambe, ayaa tilifoon la iiga soo diray Jabuuti oo la igaga nixiyay geeridii Diiriye aniga oo markaa hurday. Illeyn dhulku kulama go'o. Aniga oo dheelalowsan oo riyo iyo run u kala garan la' ayaan toosay. Waxaan maqli jiray: "War xumi dugsi ma fadhiisto." Illeyn waa tan oo kale. 

Intii ma-huraanka ahayd ee Reer Boobe ama/iyo Reer Ducaale ahayd ayaan warkii dhiillada lahaa gaadhsiiyay. Dhambaal-wadayaashii Ijtimaaciga ahaa (Social Media) ayaa markiiba dhuftay oo la booday. Ma Facebook baa……Ma Twitter baa…..Ma dar kale oo darbanaa baa. Ilaahay wuu ogaaye, il-bidhiqsiyo ka dib tilifoon, farriin iyo e-maaillo ayaa fadhiyi waayay. Waa Qaaradaha adduunka. Waa magaalooyin aanan cid i taqaanna ama Diiriye taqaannayba ku garanayn. Waa tilifoon…..Haddana tilifoon…..Waa farriin……Haddana farriin. Gurigii aan Hargeysa ka deggenaa waa ceeryoon dad la ciir-ciiraya gaar ahaan haween. Walaashay Safiya-eemar iyo inantayda Bilan oo afarrankeedii wadata ayaan miciin biday. Bahja iyo dumar kale ayaa hoggaankii guriga la wareegay.

Anigii baa yaabay. Aabbo ayaa yaabay ma maqli jirteen? Mararka qaarkood anigaaba tuhun i galay oo is-idhi ma sidan ayaa laguu yaqaannay. Haddana waxaan isku qanciyay in dadkan in badan oo ka mid ahi ay ii yaqaanneen Diiriye aabbihii oo caannimaduba isaga tahay. Lixda wiil ee aan dhalay midna Diiriye-madaxey kulama tartami jirin xidhiidhka dhallinyarada iyo aqoonta dadka. Hibooyin la yaab leh ayuu u lahaa barashada iyo dhex-galka barbaarta. Inta kale meelo ay kaga fiicnaayeen ayaa jirta, laakiin xagga xidhiidhka dadweynaha iyo saaxiibbada anigana wuu igaga fiicnaa. Baroor-diiqda iyo tacsidu labadayada oo keliya ma ay saamaynayn. Dar baa noo tacsiyadaynayay Reer Duucaale ahaan. Qaar baa nagu yaqaannay Marwo Mujaahid Faadumo-cawo. Qaar baa Bilan yaqaannay. Qaar baa Caynaan yaqaannay. Qaar baa Aw Yuusuf iyo Mujaahid Ayaanle nagu yaqaannay. Qaar baa Bahdayda kale ee Bah-sahiira nagu yaqaannay.

Waxaan ku qasbanaa in aan tilifoon walba dhegaysto oo ka jawaabo. In aan farriin walba akhriyo oo ka jawaabo. In aan farriin wal oo e-mailka soo gashaba akhriyo oo ka jawaabo. In aan inta ii timaadda ama aanu kulannaba ka guddoomo tacsida iyo ereyada naxariista leh oo bogsiinayay nabarrada hafeefta leh ee geerida Diiriye dhalisay. Farriimuhu waa ay badnaayeen. Qaar baa iidaannaa oo lahaa xawaaladda heblaayo tag. Dadka sidaa yeelayay, qaar ayaanan garanaynba oo aan ka xishooday in aan toydo.

Gelbis iyo geeri-arooskeed oo Mujaahid Diiriye loogu sameeyay Jabuuti waan ka mahad-celinayaa. Gogoshii dhowrka maalmood Jabuuti loo fadhiyay iyo Quraankii loo akhriyay ayaan ka mahad-celinayaa. Intii aan ka dul tegi jirin ee Marwo Mujaahid Faadumo-cawo cisbitaalka wehelka ugu ahayd ayaan u mahad-celinayaa.

Intii Hargeysa ka gurmatay ayaan u mahad-celinayaa ee goosha saddexda maalmood ah fadhiday. Intii sida gaarka ah uga adeegtay ayaan u mahad-celinayaa. Qurbo-joogtii meel walba tacsida ka soo dirtay ayaan u mahad-celinayaa. Waxaan si gaar ah ugu mahad-celinayaa saddexda Xisbi-qaran iyo Xukuumadda Somaliland. Waxaan mahad aan duugoobin u celinayaa HCTV iyo SLNTV oo si gaar ah u tebiyay farriimihii tacsida dadkana ogeysiiyay. Tacsi oo keliya uma qaadan ee qiimayn iyo qaddarin aniga iyo qoyskayga loo hayo ayaan u qaatay. Mahadsanidin,

Erey sagootis ah:

Aabbo Ilaahay hoyga aakhiro meel roon kaa gee. Aammiin,

Dhammaad