“Taariikhdu Isma Qorto ee Hadba cidda guulaysata ayuun baa qorta” Waxaa soo ururiyey Kamaal A. Ali (Q:1)
Waxaa maanta la aaminsan yahay in dad tiiradoodu ku dhow dahay saddex meelood Laba tirada guud ee dadka dunida ku dhaqani ay ku hoos nool yihiin dawlado iyo maamullo keli-talis ah, tirkoobyada qaarna waxa ay sheegayaan in dunida maanta ay si awood leh uga jiraan ugu yaraan 106 maamul ama dawladood oo digtaatoori ah ama u eeg. Taas oo celcelis ahaan u dhiganta in boqolkiiba 54 dawladaha dunida ka mid ahi ay nidaam keli-talis ah ku shaqeeyaan.
Haddaba maamullada keli-talis ah ee dunidan ka taliya maanta waxa ay raaceen dhabbaha hoggaamiyeyaal taariikhda dunida soo maray oo aynu ku tilmaami karno in ay yihiin Barayaashooda Digtaatooriyadda ee ay ka soo dheegtaan duruusta gumaadka, cabudhinta iyo caga-juglaynta. Taariikhda dhow ee dunidan aynu maanta ku noolnahay waxaa soo maray hoggaamiyeyaal Tobannaan Milyan oo ruux ku dilay keliya saxeex yar oo ay gacantooda ku qoreen. Qormadan waxa aynu ku eegaynaa bal tirada dadka dhibbanaha u noqday xukunnadaa keli-taliska ah, waxaana aynu si gaar ah u soo qaadanaynaa shan keliya oo ka mid ah, oo talisyadoodu ay galaafteen nolosha dad tiradoodu ka badan tahay 197 Milyan oo ruux.
Arrrinta kale ee xiisaha leh ee ay tahay in aynu dul istaagno ayaa ah, in hoggaamiyeyaashan iyo qaar kale oo badan oo dunida soo marayba aanay taariikhda dunidu ku sheegin argagaxiso, ama ugu yaraan ay ka war-wareegtay in ay si cad ugu tilmaamto magacyo u qalma gabbood-falka ay geysteen. Taas oo aynu ka qaadanayno xaqiiqada ah in aanay run ahayn aragtida in badan dhegeheenna lagu soo celceliyo ee sheegaysa in taariikhdu ay iyadu is qorto. Indhaheenana aynu ku arkayno in taariikhda ay qoraan hadba dadka iyagu gacan sarreeya ama awoodda leh.
Mao Zedong (Tse-tung): Hoggaamiyihii abuuray China casriga ahi waa keli taliye dilay 79 Milyan oo dadka dalkiisa ah.
Mao Tse-tung waxa uu awood aan la xisaabtan iyo cabsi lahayn muddo 27 sano ah ku maamulayey Afar meelood meel dunida ka mid ah. waxa uu ka masuul ahaa dilka 79 Milyan oo muwaadiniin Shiine ah, iyada oo weliba lagu jiro xilli nabadeed (Buugga: Mao: The unknown story)
Mao Zedong 27kii sano ee uu China maamulayey gumaad badan iyo xad-gudubyo geystay waxaa illaa maanta dalkiisa looga tixgeliyaa in uu yahay Aabaha Ruuxiga ah ee China-ha cusub. Waxa uu hoggaaminayey kacaankii Shiinaha waxaana markaas lagu tirinayey in uu ka mid ahaa garabkii Shuciyadda waday ee xilligaas adduunka aad ugu soo xoogaysanayey. Laakiin Mao Shuuciyadda uu qaatay waxa ay ahayd mid aad uga duwan tii runta ahayd ee jirtay waxa aanu ku guulaystay in uu wax-ka-beddel iyo qurxin badan ku sameeyo, taas oo ay ka dhalatay Shuuciyad nooc cusub ah oo dadka qaar ay jecel yihiin ba in ay ku magacaabaan, ‘Aragtidii ama Shuuciyaddii Mao”
Labada qoraa ee buugga ‘Mao: The Unknown Story’ oo la kala yidhaahdo Jung Chang iyo Jon Halliday, oo midkood ka tirsanaa Kooxdii la baxday Ilaalada Case e taageersanayd Mao ayaa ku doodaya in Mao aanu isagu si niyad ah u taageersanayn Shuuciyadda, balse uu fursadda uga faa’idaystay uun markii uu xukunka imanayey, si uu taageero uga helo Midowgii Soofiyati, isaga oo weliba la og yahay in uu hore ugu jiri jiray koox aad uga soo horjeedday Shuuciyadda oo ahayd Shiine Wadaniyiin ah.
Mao xukunka waxa uu u soo maray dagaal sokeeye oo uu aakhirkii isagu ku gacan sarreeyey, kadib waxa uu noqday guddoomiyaha xisbiga Shuuciga ah oo aanu muran ka taagnayn in uu xukunka hayo inta uu nool yahay iyo sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dadka ee China, iyo weliba Guddoomiyaha Golaha Milateriga ee ciidamada hoggaamiya.
In kasta oo uu ku fashilmay in uu dalka China ka dhigo quwad caalamiya, sidoo kalana uu ku fashilmay mashruucyo waddaniya oo aad u waaweyn oo uu isku dayey, sida mashruucuu uu u bixiyey, “Bootinta Weyn” oo uu ku doonayey in uu dalka China u beddelo dal warshadleyda dundia ka mid ah, Laakiin dhinaca kale Mao waxa uu ku guulaystay in uu abuuro Qaran casri ah oo uu u jeexay dhabbe maamul iyo siyaasad adag oo illaa maanta ay reer galbeedka iyo siyaasadaha ka soo horjeeda loodin la’yihiin. Marka aynu dhinacaas oo aanu mawduuceenu khusayn halkaas kaga hadhno.
Mao waxa uu lahaa dabeecado badan oo caqliga caafimaadka qaba aan ka suurtoobin, waxa aanay u gogol xaadheen in uu galo dembiyo aan maskaxdu si dhayal ah u rumaysan karin. Tusaale ahaan waxa uu aaminsanaa in uu mar kasta isagu saxan yahay, cid kasta oo ka soo horjeedsata xitaa saaxiibadiina ay mar kasta qaldan yihiin. Sannadkii 1966kii waxa uu bilaabay ol’ole uu ugu magac daray, ‘Kacaanka Aqoonta’, waxa uu ahaa ol’ole uu dusha sare uga ekeysiinayo kacaan waxbarashada iyo aqoonta dadka Shiinaha kor loogu qaadayo, laakiin ujeeddo badan ah oo ay ugu hoos jirto in uu xididdada u sii fogeeyo xukunkiisa Shuuciga uu ku sheegayey. Dhinaca kalana Mao oo geeriyooday 1976kii waxa uu ol’olahan ka dhigtay hab uu kaga takhaluso dhammaan dadka mucaaradka ku ahaa iyo cid kasta oo uu u arkayey in ay la tartamayso ama barbar socoto.
Mao waxa uu dhisay cudud u gaar ah oo sida uu doono uu ugu adeegsado ujeedooyinkiisa weecsan, waxa aanay ahaayeen kooxdii loo yaqaannay Ilaalada Cas oo ahayd arday uu ka dhigtay gacantiisa midig ee danihiisa uu ku fushado. Ol’oaha Kacaanka aqoonta waxa uu Mao u dhiibay oo hoggaaminaysay xaaskiisa iyo saddex ka mid ah dadkii uu aadka u aaminsanaa. La soco…