Yuweri Musaveni Oo Soomaaliya Ku Calaamadiyay Dal Aan Dawlad Lahayn

0
1127

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni, ayaa sheegay inaanay Soomaaliya lahayn wax dawlad ah oo shaqaysa.

Madaxweyne Musaveni oo shalay hadal ka jeediyay shir sannadeed garsoorka dalkiisa, ayaa sheegay inay Soomaaliya ka mid tahay dalal badan oo dunida ka jira oo aan dawlad shaqaysa lahayn, “Waxa jira dalal badan oo aan dawlad lahayn….way jiraan, ma laha maamul shaqeeya waxa ka mid ah Soomaaliya.”

Wuxuu hadalkisa sii raaciyay inay jiraan dalal kale oo la nooc ah Soomaaliya oo aanu doonayn inuu sheego sababo diblomaasiyadeed darted, “Qaar kale ayaa jira laakiin ma doonayo inaan sheego kuwaas sababo diblomaasiyadeed darteed.” Ayuu yidhi Musaveni.

Dawladda madaxweyne Farmaajo ayaan weli ka jawaabin hadalkan ka soo yeedhay madaxweynaha Uganda. Waxaana la eegayaa inay dawladda Farmaajo ka jawaabto hadalkan iyo inay ka aamusto, maadaama oo ay ciidamad Uganda yihiin kuwa ugu badan ee AMISOM.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here