“Xukuumadda Ayaanu Ka Sugaynaa, In Golaha La Hor Keeno Heshiiskan Saddex Geesoodka Noqday”

43
3701

Xildhibaan Ibraahim Axmed Raygal

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Ibraahim Axmed Raygal, oo ka mid ah Mudayaasha Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay heshiiska saddex geesoodka ah ee ay wada galeen DP World, Somaliland iyo Itoobiya, ee ku saabsan Dekadda Berbera, waxaanu sheegay inuu aad u soo dhaweeynayo heshiiskan, waxa uu se ku baaqay in heshiiskan la hor keeno Golaha Wakiilada.

Xildhibaan Ibraahim Axmed Raygal oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ku taliyey in gabi ahaanba laga baxo wada hadalada Somaliya, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlay heshiiska“Heshiiska DP World, Somaliland iyo Itoobiya waxaan u arkaa heshiis wanaagsan oo dani ugu jirto, saddexda dhinacba  oo faa’iido weyn baa ku jirta,markii horeba waxay ahayd inaynu caalamka la xidhiidho, oo carabta la xidhiidhno, heshiiskana runtii waa heshiis aad u qiimo badan, madaama xidhiidh qoto dheer oo sidii hore si ka sii wanaagsan aynu yeelanay Itoobiya, oo aynu nahay dal aynu daris nahay”.

Xildhibaan Raygal mar uu ka hadlaayey heshiiskii ay hore u ansixiyeen ee DP World iyo is bedelka ku yimid ayaa yidhi  “Dabcan Golahana waa la keeni doonaa, Goluhu fasax buu ahaa oo sabtida (maanta), ayuu Goluhu soo galayaa, Xukuumadda ayaanan ka sugaynaa, in Golaha la hor keeno heshiiskan saddex geesoodka noqday, ee sida kale imika u dhigmay, wax ka bedel iyo kaabis madaama lagu sameeyey,  ka hor dhici mayno, laakiin waanu sugaynaa”.

Mar uu ka hadlaayey Somaliya ayaa yidhi “Marka ugu horeysa waxaan leenahay Farmaajo iyo Raysal-wasaarihiisu yey xukumaan, Maamul Goboleedadii hoos imanayey, ayaanay xukumin, oo Muqdishada ay joogaan baa amaankooda lagu ilaaliyaa, markaas ayey Somaliland oo ka madax banaan ay isku soo qaadayaan, anigu waxaan soo jeedin lahaa in gabi ahaanba la joojiyo wada hadaladii Somaliya, sababtoo ah mar haddii qaranimadeenii Somaliya ka soo hor jeedsatay, oo horumarkeenii diidan tahay wax haba yaraate faa’iido iyo manaafacad ah oo wada hadalkeeda inoogu jirtaa ma jirto, haddii ay dhacdo in la wada hadalana waxaan ku talin lahaa in halkii laga soo aasaasay wada hadalada oo ahaa Ingiriiska in lagu qabto, waxaana gabi ahaanba khalad ah in maanta Somaliya raadiso in Somaliland dib ula midoowdo, markii hore haddii aanu nahay Somaliland, waxaanu raadinaynay markii aanu qaadanay xoriyada Shanti Somalida,taasi wey suurtagali weyday, anagu dib ayaanu xoriyadaydii ula soo laabanay, ee haddii ay maanta Somaliya doonayso, midnimo saddexdii kale ee Somalida ha keento, taasina kolay sinaba suurtagal ku noqon mayso, ee Somaliya waxaan leeyahay aynu ahaano laba  dal oo jaar ah”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here