Xubno U Dhashay Somaliland, Kana Tirsan Baarlamaanka Xamar Oo Ku Hungoobay Dalab Ay Ku Doonayeen In Golahoodu Dib U Dhigo Qaddiyadda Dp World

28
2751

Muqdisho(Geeska)-Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku gacan saydhay soo jeedin ay soo gudbiyeen shalay qaar ka mid ah xildhibaanada dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ee ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo nuxurkiisu ahaa in baarlamaanku dib u dhigo mooshinka ay shalay ansixiyeen ee ka dhanka ahaa heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee dhex maray Somaliland, DP world iyo Itoobiya.

Xildhibaanadan asal ahaan ka soo jeeda reer Somaliland oo ay weheliyeen xubno kale oo baarlamaankaas ka tirsan oo iyagu u dhashay Soomaaliya, ayaa waxay dalbadeen in dib-u- dhig lagu sameeyo, lagana  saaro ajendaha  baarlamaanka qaddiyadda DP world, si loo helo war sugan oo ku saabsan arrintan, waxaanay mooshinkan ay ku dalbadeen in laga warsugo dawladda Soomaaliya.

Hase yeeshee, baarlamaanka Soomaaliya ayaan u jeedin saaxiibadooda la mabda’ ah balse u dhashay Somaliland.

Xildhibaanadan oo tiradoodu ahayd 11, ayaa ahaa kuwan hoose ku qoran

Maxamed Cumar Carte Qaalib

  1. Cabdiraxmaan Ibbi
  2. Axmed Maxamud Sheekh(Dhagaweyne)
  3. Maxamed Ibraahi Cabdi (Diyeeshe)
  4. Cali Maxamed Muuse
  5. Aamina Cumar Jaamac
  6. Huda Axmed Cali
  7. Axmed Maxamed Jaamac
  8. Faadumo Ismaaciil Xuseen
  9. Aamina Sheekh Cusmaan’
  10. Faadumo Xasan Cali

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here