Xoghayaha Guud Oo Magacaabaya Ergayga Bedelaya Haysom Iyo Cashar Ku Saabsan Cidda Loo Adeegsado PNG Oo Uu Hawada U Soo Mariyay Madaxda Soomaaliya

0
1224

Hargeysa(Geeska)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, ayaa sheegay inuu wakhtiga ku haboon soo magacaabayo ergay cusub oo bedeli doona danjire Nicholas Haysom oo ay dawladda Soomaaliya caydhisay.

Warsaxafadeed uu xalay soo saaray xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, wuxuu ku sheegay inuu ka murugaysanyahay go’aanka ay dawladda Soomaaliya ku caydhisay danjire Haysom oo uu ku tilmaamay nin khibrad iyo ixtiraam mudan. Waxa kale oo uu warsaxaafadeedkiisa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ku sheegay in siyaasadda PNG [Persona non-grata) aan loo adeesan shaqaalaha Qaramada Midoobay, sida ku cad axdigii Vienna ee 1961, balse loo adeegsado diblomaasiyiinta ay dalalku isu diraan.

Warsaxaafadeedka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay wuxuu u dhignaa sidan “Xoghayaha Guud wuxuu si wayn uga xun yahay go’aanka ay Dawladda Soomaaliya ay ugu tilmaantay qof aan la rabin Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud islamarkaana ah madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somaliya (UNSOM), Nicholas Haysom.

Xoghayaha Guud kalsooni buuxda ayuu ku qabaa Mr Haysom oo ah shaqaale caalami ah oo khibrad badan, lana ixtiraamo oo noqday ruux ka dhex muuqda shaqooyin badan oo sare oo uu ka soo qabtay meelo kala duwan iyo Xarunta Guud ee Qaramada Midoobay ba.

Mabda’ ah in qof lag tilmaamo qof aan laga rabin dal (persona non grata) maaha mid khusaysa oo lagu dhaqo shaqaalaha Qaramada Midoobay. Sida ay sheegayso Mucaahadada Vienna ee Xidhiidhka Diblomaasiyadeed ee la galay 1961, mabda’an waxa lagu dhaqaa wakiilada diblomaasiyadeed ee dal u dirto dal kale si ku dhisan xidhiidhkooda laba geesoodka ah. Qaramada Midoobay dal maaha, shaqaaleheeduna maaha kuwo loo diray dal si ay u joogaan, balse waxaay ku shaqeeyaan keliya masuuliyadda Xoghayaha Guud.

Sidoo kale, Xoghayaha Guud waxaa si buuxda uga go’an inuu xaqiijiyo in baahiyaha dadka Somaliya ay xagga hore kaga jiraan shaqada Qaramada Midoobay ka hayso Somaliya. UNSOM waxaay u baahan tahay inay u gudan karto sida ugu waxtarsan xilkeeda ah inay taageerto dalka. Sidaasdarteed, wuxuu maagan yahay [Xogahaya Guud] inuu waqtiga ku haboon magacaabo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud islamarkaana ah madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somaliya.

Xoghayaha Guud waxa si wayn uga go’an inuu ka caawiyo Somaliya dadaalka ay ugu jirto inay gaadho nabad, xasilooni iyo barwaaqo dadka dhan gaadha.”

Geesta kale, sida ay xalay wakaaladda wararka ee AP u sheegeen diblomaasiyiin xogogaal ahi, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay wuxuu saddex cisho gudahood laba goor  telefoono kula hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, oo uu isku dayay inuu ku qanciyo inuu ka noqdo go’aanka uu ku eryay danjire Haysom, laakiin sida uu warku sheegay Farmaajo ayaa xoghayaha guud ee Qarmaada Midoobay ka diiday inuu ka noqdo go’aankaas uu danjire Haysom ku caydhiyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here