“Xisbiyadu Waa Inay Mar Walba Danta Umadda Eegaan”

0
1234

Xildhibaan Maxamed-weli

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Wali Warame Cali, oo ka mid ah Xidhibaanada Golaha Guurtida, ayaa ka hadlay talaabo wanaagsan ku tilmaamay isfahanka ay ilaa hadda gaadheen Xisbiyadu, waxaanu sheegay inay Somaliland caan ku tahay xalinta khilaafaadka, waxaanu xusay in mar walba loo baahan wax ka qabashada tabashooyinka jira.

Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Waa ILLAAHAY mahadii in isfahan ilaa hadda laga gaadho is fahan daradii iyo khilaafkii Xisbiyada, inta hadhayna waxaan ku filayaa in laga heshiin doono, caan baynu ku nahay inaynu dhexdeena ka xalino wixii khilaafaad ah ee jira, waana in tabasho walba oo jirtana halkeeda loogu tagaa oo la xaliyaa, Xisbiyadu waa inay mar walba danta umadda eegan, oo wixii tabasho ah ee dhexdooda ah si bilaa turxaana ah u xaliyaan”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here