Xisbiyada Mucaaradka Oo Sheegay In Ay Doorashada Oo Dhacda Dani Ugu Jirto Iyo Sababta Oo Ay Caddeeyeen

49
3192

Hargeysa (Geeska)-Xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo Waddani, ayaa sheegay inay iyagu diyaar u yihiin Doorashada oo dhacda, balse loo baahan yahay in wax kasta oo ay tabanayaan in laga qanciyo, maaddaama uu jiro tuhuno iyo caddaalad daro ay ka tirsanayaan Komishanka.

Xoghayaha Arrimaha Guddaha ee Xisbiga UCID Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), iyo Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamuur), oo ka tirsan hogaanka sare ee Xisbiga Waddani, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale hambalyo u diray Ciidanka Booliska Somaliland.

Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamuur), oo isagu ugu horeyn ka hadlaya Komishanka ayaa yidhi “Dhaqan baynu leenahay, marka la is qabto, waxaa la iskula tagaa xeer beegti dhex ah, xeer beegtaas dhexda ah haddii ay ciddi wax ka garan weydo, oo Garsoorkooda lagu qanci waayo, oo cid gaar ahi ay ka cabato, xeer beeg  kale ayaa haddana dhex gasha,dadkuna muu madhan, ee wax kasta oo dadka ka dhexeeya, haddii ciddi wax tirsato, waa laga wareegi karaa, rafcaana waa laga qaadan karaa, laakiin mar walba qasab maaha in iyagii laga cabanaayey waxna laga tirsanaayey inay gartii naqaan, sidaas ayeynu wax ku soo wadnay, ee haddii Komishanka Mucaaradka ama Muxaafidku wax ka sheegtaan, walibana waxa laga sheeganayo ama cadaalad darada laga tirsanayana la caddeeyo, waxaa xaq loogu leeyahay in laga bedelo, Madaxweynahana xaq baa loogu leeyahay inuu kala tiro Komishankan, maxaa yeelay waa xeer beegti aanu qoonsanay, waxaana hubaal ah in haddii aanu nahay Xisbiyada Mucaaradka in aanan ka baqaynin in aanu Doorashada galno, balse waa in wax walba oo aanu tirsanayno sidooda loo xalliyaa”.

Siyaasi Daamuur mar uu ka hadlaayey Ciidanka Booliska ayaa yidhi “Ciidanka Booliska Somaliland, waa Ciidan shacabka u haya shaqo aad iyo aad u weyn, waana Ciidan kaalin weyn ka qaatay nabadgalyada dalka, waa Ciidan u dhabar adaygay dhibaatooyin fara badan oo soo maray, waa Ciidan u baahan hawlo fara badan oo xagga nolosha ah, oo Boolisku guriyo ayey laahaayeen, oo weynu wada ognahay in Guriyadoohidii lala wareegay, waana lala wareegay meel walba oo ay xaq u lahaayeen, waxay ahayd in Ciidanku ubadkay dhaleen, ee wax baranaya ee aanay u ahaynin Mushaharka fara badana, Babuurtii qaadi lahaa iyo Dugsiyadii ay dhigan laaheen inay helaan, Boolisku sidan si ka xaq badan bay u baahnaayeen, Somaliyana inaynu isku caalamad iyo isku diray u noqono maaha, inaynu isku sharci noqono maaha, hanaanka iyo habka Ciidanka Booliska loo maamulana maaha inuu noqdo sidii Somaliya, ee waa inaynu ka duwanaana, oo Ciidankeenu yeesha Sharci u gooniya, Sharci aynu gaar u sameeysanay iyo Dirays Ciidankeena u gaar ah inaynu yeelano ayaa wanaagsan”.

Xoghayaha Arrimaha Guddaha Xisbiga UCID Ramaax oo isna dhankiisa ka hadlaya  komishanka ayaa yidhi “Komishanku waa kuwii noo yeedhay, hawl badan oo ay qabteena wey na tuseen, hawlo badan oo ku daboolan Komishanka ayaa ay ahayd inay Dawladdu wax ka qabato,  maaddaama ay Dawladdu tahay fulintii, Xisbiyada Mucaaradka waxaa ku xidhani waa wax iska sahlane, oo anagu mar walba waxaanu u aragnaa inay dani ugu jirto Qaranka Doorashada oo dhacda, waliba khaasatan qoladaydana Mucaaradka ah, dan baa noogu jirto Doorashada oo dhacda, si aanu codod badan uga helno kuraasta Barlamaanka iyo Deegaankaba, in Doorashada la qabtaana wey naga go’an tahay, hawlaha ku xeeran Doorashada qabsoomideeduna Dawladda ayey badankoodu u taala, wax waa wax laga wada hadli karo oo laga gudbi karo, balse Dawladda ayey wax badani ku xidhan yihiin, sida Saami qaybsiga, oo waa tii hore Maxkamadu go’aan u soo saartay, haddana waa tii qaraar dambe laga daba keenay, anagu haddii aanu Xisbiyada mucaaradka nahay diyaar ayaanu u nahay inay Doorashado qabsoonto, balse wax kasta oo qabsoomida Doorashada ku xidhan waa in la dardar galiyaa,wax kasta oo aanu tabanayna xaq baanu u leenahay in wax laga qabto”

Ramaax oo isna ugu horeyn ka hadlaya  xuska Booliska  ayaa yidhi “Ciidanka Booliska Somaliland meel kasta oo ay joogana waa hambalyeynayaa, waxaana ku dhiirigelinayaa in hawsha iyo shaqada ay qaranka u hayaan inay sii wadaan, wax walbana nabadgalyada ayaa asal u ah, waxaana ugu ducaynayaa in ALLE u fududeeyo hawsha qaran ee ay umadda u hayaan”

Siyaasiga Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa dhanka kale wuxuu baaq nabadeed u diray labada Beelood ee dagaalku ku dhexmaray Deegaanka Dhoomay ee Gobolka Sool, waxaanu kula taliyey inay mar walba wanaaga, khayrka, nasteexa iyo islaaxa ka shaqeeyaan, oo ay nabada qaatan, isla markaana ka feejignaadan in dagaal dambe dhexmaro, waxaanu Madax-dhaqameedka,Cuqaasha, Salaadiinta, Culimada iyo Wax-garadka Somaliland ugu baaqay inay ka shaqeeyaan  sidii heshiis loogu soo dabaali lahaa colaada labada beelood ee walaalaha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here