Xildhibaan Xal U Helid La’aanta Sicir Bararka Ku Tilmaamay Fashil Ku Yimid Madaxweynaha Iyo Xukuumadiisa, Uguna Baaqay Inuu Caydhiyo Wasiirada Hawshaas Gudan Waayay

0
476

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdiqaadir Askar Xasan, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ahna Guddoomiye ku xigeenka Guddida Dhaqaalaha, ayaa sheegay in gabi ahaanba Xukuumaddu ku fashilantay in xal loo helo Sicir bararka iyo qiimaha sarifka, waxaanu xusay in Xafiiskii looga baahnaa yidhaahdo Xafiiska tayeynta iyo habaynta maamulka maaliyadda,ee uu Qaranku lahaa uu noqday Xafiis fadhiid ah, balse lagu lunsado lacago aad u badan.

Xildhibaan Cabdiqaadir Askar Xasan oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafka ka dhex taagan Shirkadaha Korontada iyo Wasiirka Macdanta, waxaanu tilmaamay in arintaas Madaxweynuhu Guddi u saaray, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya qiimaha sarifka “In qiimihii sarifku saldhigan waayo, waa fashilaad ku timid Madaxweynaha, Xukuumadda, Wasaaradda Maaliyadda, iyo Baanka, waxaana anigu ku talinayaa in Masuuliyiinta arintan ku fashilmay in la eryo, Guddidiina la kala diro, oo Guddi caadiya oo cilmi u leh hawshan loo diro, si ay u soo baadhan oo ay ka soo talo bixiyaan. Guddida Wasiiradda ee  loo diray aqoon uma leh,khubarana may adeegsan, Madaxweynahana markii horeba fikrad khaldan bay siiyeen”.

Xildhibaan Askar mar uu ka hadlaayey Xafiiskii looga baahnaa inuu wax ka qabto arinta sarifka iyo maaliyadda ayaa yidhi“Xafiiskii u qaabilsanaa Wasaaradda Maaliyadda, iyo Qarankaba,inuu kireeyo khubaro ka talo bixisa xagga maaliyadda, oo la yidhaahdo Xafiiska tayeynta iyo habaynta maamulka maaliyadda, wuxuu noqday fadhiid, balse dad aan khibrad lahayn oo si khaldan lagu qoray, ayaa Xafiiskii ku ururay, Xafiiskan ayaa qaabilsanaa in la keeno khubaro, Dawladdana dakhli baa kaga baxa oo ilaa afar boqol oo kun oo doolar ayaa lagu bixiya, Xafiiskana waligiibi wuu jiri jiray, Dawladdu lacagta badh bay bixisa, Baanka Adduunka lacagta khubarada ayuu bixiya, waxay ahayd in Xafiiskan ay fadhidayaan khubrada iyo dhaqaale yahanku,balse waa la musuqay, mana shaqeeyo”.

Xildhibaan Askar mar uu ka hadlaayey Wasiirka Macdanta ayaa yidhi “Waxa la igu yidhi Madaxweynaha ayaa arintan kootada ku canaantay Wasiiro uu hore ugu saaray, oo waxay ka qabteen aanay jirin, markaas madaama uu Madaxweynuhu caan ku yahay Guddida, wuxuu hawl galiyey Guddidii uu hore ugu saaray, markaas Guddidii ayaa hadda iskugu yeedhaysa Shirkadihii iyo Wasiirkan laga cabanayo, anaguna maanta (shalay), waanu la balansanayn Wasiirka Macdanta iyo Tamarta, balse fasax bay ahayd, ee beri (maanta), ayaanu la kulmaynaa, Kootadu Dastuurka ayey ka soo hor jeeda, wax Kooto la yidhaahdana Wadanka kama jiri karto”.