Xildhibaan Madaxweynaha La Doortay U Soo Jeediyay Inuu Daba-Galo Hantidii La Dhacay

47
3635

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Xasan Muuse Hufane, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa sheegay in todobadii sanno iyo badhkii uu Madaxweynaha dalka ka ahaa Madaxweyne Siillaanyo, in aanu dalka ka jirin nidaam dawladeed, isla markaana hanti dhawr shaqeeynayaana aanu jirin, waxaanu Madaxweynaha la doortay ee Muuse Biixi Cabdi, ugu baaqay in hantida umaddu halkay ku baxday iyo qaabka loo isticmaalay laga daba tago, oo dib loo eego, oo cidii ay ku cadaato in sharciga ha hor keeno.

Xildhibaan Xasan Muuse Hufane, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay saddexda xeer ee Madaxtooyadu soo celiysay, ee ay dib u ansixiyeen, waxaanu ugu horeyn yidhi “Todobadii sanno iyo badhkii Xukuumadda Siillaanyo dalka ka talinaysay hanti dhawre shaqeeynayaa muu jirin,nidaamkii dawladnimana meesha uu ka baxay, musuq-maasuqa aan xisaab lahayn, boobka hantida qaranka oo aan xad lahayn, hantidii umadda oo sida la doono loogu takrifalayo, ayaa jiray, la xisaabtana muu jirin, oo Wasiir lagula xisaabtamo iyo Masuul kale oo hantida umadda iyo xilka qaran ee uu hayo lagula xisaabtamo muu jirin, sidaas darteed waxaan soo jeedin lahaa in dib looga taba tago hantida umadda iyo meesha ay ku baxeen, oo wixii sharciya waa halkeeda, balse in wixii sharci daro ku baxay in laga taba tago, ayaa haboon, Madaxweynahana waxaan u soo jeedin lahaa in laga taba tago hantida umadda halkay ku baxday, oo cidii ku takrifashay sharciga la hor keeno, ama Wasiir ah ahaado, ama Masuul kale ha ahaade, si Wasiiradda kale ay tusaale ugu noqoto, si looga feejignaado in si yar oo fudud hantida umadda loo lunsado”.

Mar uu hadlaayey Madaxweynaha la doortay ayaa yidhi “Ilaa hadda Madaxweynaha waxa ka soo baxaya hadalo fiican, hadaladaas oo u muuqda inuu xilkiisa u madax banaan yahay,todobadii sanno iyo badhkii ugu dambeeyey xaalada dalka siday ahayd, sicir bararka aafeeyey umadda iyo maceeshada qaaliga ku noqotay, uu ka war hayey, ee inuu wax ka qabto, ayaa laga filayaa”.

“Xeerarkani waa xeerar aanu markii hore u gudbinay Guurtida,Golaha Guurtiduna iyaganu waajibkoodii ayey ka qabsadeen, oo wey soo ansixiyeen, kadibna Madaxweynaha ayaa loo gudbiyey, markii Madaxweynaha loo gudbiyey, Madaxweynuhu qodobo badan buu ka soo bedelay, dibna uu noogu soo celiyey, markaas Gole ahaan waxaanu isla garanay in Xeerarka sidoodii hore loogu celiyo, waxaana xeerarkani ay u baahdeen 55 Xildhibaan, balse nasiib wanaag 62 Xildhibaan ayaa kal-fadhigii yimid, sidiisi hore ayaana lagu celiyey, oo lagu ansixiyey, imikana waa in sidaas Xeerarkan lagu ansixiyaa oo lagu meel mariyaa si ay u dhaqan galaan”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here