Xildhibaan Ka Hadlay Wasiiro Uu Sheegay Inaanay Shuruudaha Buuxin Oo Aanay Golaha Wakiiladu Ansixin Doonin

21
2634

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Somaliland Xildhibaan Cabdiqaadir Askar Xasan, ayaa sheegay in afar ka mid ah Wasiiradda Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi ee uu dhawaan magacaabay kuwaas oo kala ah Wasiirka Gaashandhiga, Wasiirka Gadiidka,Wasiirka Horumarinta Beeraha iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, in aanu Dastuurku u ogolayn inay xilal qabtaan, isagoo sheegay  inay Wasiiradda loo magacaabay Beeraha iyo Arrimaha Bulshadu aanay Dugsi sare ka bixin, halka Wasiirka Gaadiidka iyo horumarinta Wadooyinka uu tilmaamay inuu xukun Maxkamadeed oo saddex sanno ahi ku dhacay, masuulka loo magacaabay wasiirka Gaashandhigana wuxuu xusay inuu qaranimada Somaliland diidan yahay, xogona laga hayo, waxaanu sheegay in Guddiyada Wakiilada ee ay khuseeyso ay ka fiirsanayaan, isla markaana aan Golaha Wakiilada loo soo gudbinayn, lana ansixinayn.

Guddoomiye ku xigeenka Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Somaliland Xildhibaan Cabdiqaadir Askar Xasan, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay daynta la sheegay in Xukuumaddii hore ee Siilaanyo ku wareejisay Xukuumadda Muuse Biixi, waxaanu soo jeediyey in si rasmi ah dayntaas la sheegayo in loo soo bandhigo, oo aan la qarin, waxaanu ugu horeyn yidhi “Waxa la magacaabay Wasiiro shuruudihii buuxin, oo Dastuurkii aan buuxin, kuwaasi haddii ay xilka la wareegaana waa khalad, Madaxweynaha la doortay iyadoo aanu bil joogin baa sharcigii iyo dastuurkii qaranka lagu tumanayaa,dastuur jabin baana jirta, Wasiiradda Maxkamadu ku dhacday, Wasiiradda Dugsiga sare dhamaysan iyo Wasiiradda qaranimada Somaliland diidan, caddayntoodana la hayo,  sinaba kulama wareegi karaan xil uu qaranku leeyahay, shuruudaha lagu soo xulanayo Wasiiraddana waa Dastuuri, Dastuurkuna wuxuu  qabaa in aan la dooran qof ay Maxkamadi ku dhacday,qof aan Dugsi sare dhamaysan iyo qof qaranimada Somaliland lid ku ah, Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Waddooyinka Cadillaahi Abokor , Xukun Maxkamaddeed ayaa ku dhacay, oo saddex sanno ayaa lagu xukumay, Wasiirka loo magacaabay Horumarinta Beeraha Axmed Muumin Seed iyo Wasiiradda Arrimaha Bulshada Hinda Gaane iyuguna Dugsiga sare may dhamaysan, Wasiirka Gaashandhiga loo magacaabay waxa laga duubay xog uu leeyahay ha lala dagaalamo Somaliland, xogtaasina waxay ku jirtaa Youtube-ka iyo Shabakadaha, waxaana lagu eedaynayaa inuu dambi qaran ka galay qaranimada Somaliland, waana khalad inay xilka la wareegaan, Dastuurkii baa la jabiyey, Barlamaankuna ansixin maayo, in Barlamaanka la hor keenana waa qayrul sharci, la hor keeni mayaana, waxaana ku dadafaynay Guddiyada ay khuseeyso, lanama hor keenayana ee waa la celinayaa”.

Xildhibaan Askar mar uu ka hadlaayey daynta la sheegay in Xukuumaddii hore ay ku wareejisay Xukuumaddan oo ilaa hadda si rasmiya loo shaacin ayaa yidhi “Haddii aanu nahay Golihii Wakiilada, waxaanu doonaynaa xisaabta daynta ah ee la wareejiyey, in Miisaaniyadda lagu soo daro, Miisaaniyadda ayeyna wax walba ka caddanayaan, waana qasab in naloo soo gudbiyo, dawladda cusub ayaa soo gudbinaysa miisaaniyadda, iyo Wasiirka cusub ee miisaaniyadda, waxba yaan la qarin daynta la wareejiyey,ee waa in si rasmiya loo soo bandhigaa, oo Barlamaanka la hor keenaa, haddii kale lama bixinayo”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here