Xildhibaan Cabdiraxmaan-dheere Oo Ka Tanaasulay Murashaxnimadii Guddoomiyaha Golaha Dhexe Ee KULMIYE

0
1300

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo hore u sheegay inuu isku sharaxaayo guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa shaaciyay in uu dib u dhigay isa soo sharixidiisa kadib markii hoggaanka xisbigu uu arintaas talo ka yeeshay.

Waxa uu xildhibaanku sheegay in shirkan golaha dhexe uu ku xigeenka hadda sii ahaan doono kumeel gaadh se marka bisha afaraad la gaadho shir weynaha in uu isku soo taagi doono guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, isla markaasna sidaas hgogaanka xisbiga Kulmiye iyo isaguba ay go’aamiyeen.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin  oo warbaahintu wax ka waydiisay arintan isaga oo Hargeysa ku sugan waxa uu yidhi“Baryahan waxa baraha bulshada ku jiray inaan isku sharaxaayo guddoomiyaha golaha dhexe ee Kulmiye, kaas oo qorshaa uu ku jiray in lagu doorto guddoomiyaha golaha dhexe, waxa iyaduna jirta in shirweynii xisbisa Kulmiye uu isaguna ku beegan yahay bisha afraad ee sanadkan,aniga oo markii hore uu iga baxay war ah inaan isku sharaxaayo waxaan rabaa inaan halkan ka cadeeyo go’aan hoggaanka xisbiga Kulmiye uu wada jir ahaan u qaatay oo aan aniguna talada wax ku lahaa in shirka golaha dhexe ee qabsoomaya bishan in aanan isku sharixin, maadaama oo uu shirweynii xisbigu qabsoomayo xiligaas aan idiin sheegay in is sharaxaadayda aan wakhtigaas ku beego, taladaas ayaanu isla gaadhanay xisbiga, sidaas ayaanan ku calool samahay marka shirarku sidaas isugu dhawyihiin laba kaanbayn lama wada gali karo  markaas inaan mid anigu isugu luga du’do ayaa iikhayar roon.”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “ Guddoomiye dhexe oo la dooranayaa majiro  kumeel gaadh ahaantii ayuunbuu ku sii joogayaa wax iska badalaaya qaabkii hore ma jiraan,marka horeba ku xigeen ayuu ahaa kuxigeenimadii ayuu imikana kumeel gaadh ahaan xilka ku sii haynayaa, marka dheeligu imanayaa waa marka ay doorashada dhabta ah ay timaado.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here