“Waxa Yididiilo Leh In Madaxweyne Biixi Iyo Madaxweyne Farmaajo Ay Sheegeen In Isfaham Lagu Xalin Doono Xiisada Somaliland Iyo Puntland”

30
3121

Hargeysa(Geeska)-Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya danjire Micheal Keating, ayaa soo dhaweeyay in Madaxweynayaasha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ay ka go’antahay in xiisadda gobalka Sool ka taagan ee u dhaxaysa Somaliland iyo puntland lagu xaliyo wada hadal.

Danjire Micheal Keating, wuxuu sheegay in xiisadda gobalka Sool ay saamayn ku yeelanayso bulshada dhulkaas ku nool. Danjiraha oo u waramay warbaahinga Goobjoog, waxa la weydiiyay su’aal la xidhiidhay xiisadda Somaliland iyo Puntland oo uu kaga hadlay xarunta Qaramada Midoobay, waxyaabaha uu isleeyahay isaga ahaan way kaga beegantahay inuu ka qabto, wuxuu yidhi “Waxa aniga arrintan iiga aadan waa in colaadda u dhexeysa Somaliland iyo puntland ay tahay war aan wanaagsaneen Labada dhinac, dadka halkaas ku nool horayba waxa ay u dareemayaan inaanay helin taageeradii ay u baahnaayeen.
Nasiib xumo goobaha rabshaddu ay ka jireen waa deegaanno markii horeba abaartu ay aad u taabatay labada dhinac ee Somaliand iyo Puntland mana aheyn in ay ku fakaraan in ay dagaalamaan halkii ay ku fakari la haayeen dagaalka ka dhanka ah Al shabaab, in ay shaqo u abuuraan dadkooda iyo horumarinta nabadda, marka waxaa muuqda in tani ay tahay arrin siyaasadeed, waana in lagu xalliyaa wadahadal nabadeed.
Waxa yididiillada leh ayaa ah in madaxweyne Farmaajo uu sheegay in arrintaas ay tahay in lagu xalliyo Is fahan iyo nabad halka madaxweynaha cusub ee Somaliland sheegayna in arrintaa wadahadal lagu xalliyaa, khilaafka u dhexeeya Somaliland iyo Puntland ma ah mid wanaagsan oo waxtar u keenaya dadka halkaa ku nool dib u dhac ayuuna sababayaa waana war aad u xun marka la eego ammaanka iyo fayo qabka dadka Gobolkaa ku nool.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here