Wasiirkii Hore Ee Ganacsiga Oo Noqday Beeralay Beertiisa Ka Shaqaysta

54
4111

Berbera(Geeska)-Wasiirkii hore ee ganacsiga Cumar Shucayb Maxamed ayaa noqday beeroole beertiisa fasha saddex maalmood oo todobaadka ka mid ah.

Cumar Shucayb oo xukuumadii madaxweyne Siilaanyo ka ahaa wasiirka ganacsiga ayaa xusay in aanu jeclaysan inuu shaqo la’aan meelahaas la soo istaago, waxaanu sheegay in dalku u baahan yahay wax soo saar si loola dagaalamo sicir bararka dadka aafeeyay.

Waxa uu Cumar Shucayb beertan ka sameeyeen isaga iyo ganacsato kale deegaanka Sheelane oo 37-Km koonfur galbeed kaga beegan magaalada Berbera, waxaana isaga oo u waramaayay HCTV uu yidhi “Saaka waxa laga qaaday tamaandhada oo kale lix

foosto,basbaaska,barbarooniga waa laga qaadaa, basashii waatan oo waxay diyaar u tahay in la qaado waad aragtaa oo basashani waa mid boqol kiiba boqol ka fiican ta Itoobiya laynooga keeno oo ka waaweyn.”

Waxa uu Cumar Shucayb ka hadlay beertan waxay ugu talo galeen”waxaanu ugu talo galnay beertan khudaarta cagaaran,qaybta beerista dooga xooluhu cunaan iyo qayb xoolaha ah, markaas beer isku dhafan ayaanu doonaynaa inaanu ka dhigno.”

Wax soo saarka waxa uu ku tilmaamay daawada sicir-bararka”sicir-barar ayaynu ku jirnaa haddii dadkii aanay waxba soo saarayn lacag kale meel kale ka keeni mayno waayo waxuun baynu soo iibsanaynaa.”

Wasiirkii hore ee ganacsigu waxa uu sheegay inay baahi balaadhan u qabaan beeralaydu sidii ay u heli lahaayeen aqoon la xidhiidha wax soo saarka beeraha iyo dalagyada, waxaanu wasaarada beeraha ugu baaqay inay kobcinta aqoonta beeraha xooga saarto.

Cumar Shucayb shaqadiisan cusub ayaa uu ka hadlay”qofkii is lahaa siyaasada uunbaad ku xidhantahayna meelahaas gidaarada ayuu taagnaanayaa laakiin anigu waxaan qabaa in ay dadku shaqo abuur la yimaadaan. beer roobaad maaha, biyaha meel halkan ah ku jira oo iska wabi ah ayaan cagaf ku qodnay waana meel iska haro oo kale ah.”

Ugu danayntii Cumar Shucayb waxa uu sheegay in shaqadan uu aad ugu faraxsan yahay”Aad ayaan ugu faraxsanahay deegaankaas fiican ee degan ee quruxda badanle ee aad beertaada iska joogto ee waxii dabiiciga ahaa aad iska beeranayso, waxaanan aaminsanahay inay dhiirigalin fiican tahay.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here