Wasiirkii Arrimaha Dibadda Ee Dawladii Sheekh Shariif Oo Hargeysa Ku Yimid Cafis Uu Madaxweyne Biixi U Fidiyay

25
2634

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa cafis u fidiyay Wasiirkii arrimaha dibadda ee dawlada Somaliya ee sannadihii 2010 –2012 Maxamed Cabdillaahi Oomaar oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, kaas oo hadda ka tanaasulay fikirka midnimadii burburtay ee Soomaaliya.

Warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in siyaasigan oo ka soo jeeda qoyska caanka ah ee reer Cabdillaahi Oomaar uu shalay soo gaadhay magaalada Hargeysa, ka dib markii uu madaxweyne Biixi aqbalay codsi uu soo qortay oo uu ku dalbaday in la cafiyo kaas oo madaxweynuhuna u qoray cafiska uu dalka ku yimid.
Siyaasigan oo ah nin dhallinyaro ah ayaa wuxuu wasiirka arrimaha dibadda ka noqday dawladii uu soo dhisay Sheekh Shariif markii Djibouti loogu cimaamaday madaxweynaha Soomaaliya sannadkii 2010, waxaanu xilkaas hayay muddo ku siman laba sannadood.
Mr. Oomaar ma noqonayo siyaasigii u horeeyay ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ee ka tanaasula fikirkaas midnimadii burburtay ee lixdankii dhex martay Somaliland iyo Somaliya, waxaana la filayaa inuu warbaahinta la hadlo inta uu magaalada Hargeysa joogo oo uu uga cadeeyo mawqifkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here