Wasiirka Arrimaha Guddaha Oo Ka Hadlay Qaabka Ay U Dhacayso Munaasibada Xil Wareejintu

32
3597

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo ka mid ah Guddida qaban-qaabada munaasibada xil wareejinta Madaxweynaha ee maanta dhacaysa, ayaa ka hadlay qaabka ay Munaasibadu u dhacayso iyo tirada dadka ka qayb galaya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay sida uu u arko daynta Xukuumadda Siillaanyo wareejinayso, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya munaasibada xil wareejinta “Guddi ahaan xil gaar ah ayaanu iska saarnay, munaasibada ay labada Madaxweyne kula kala wareegayaan xilka iyo madaxtinimada dalka, si aad u qiimo badan oo aad u qurux badan baanu u diyaarinay munaasibada ama xaflada xil wareejinta, ilaa laba kun oo qof ayaa munaasibada xil wareejinta ka soo qayb galaya, ilaa laba boqol oo  qof, waa ajaanib, waxa ku jira Masuuliyiin iyo Madax ka socda Wadamada aynu jaarka nahay iyo Wadamada kale ee Caalamka, waxayna u yimaadeen inay goob joog ka noqdaan qaabka ay xil wareejintu inoogu dhacdo”

Mar aanu wax ka weydiinay inay soo marti qaadeen Xisbiyada Mucaaradka iyo in kale ayaa yidhi “Dabcan Xisbiyada Mucaaradku waa Xisbiyadeenii, waa Xisbiyadii Somaliland, inay ka soo qayb galaan Munaasibada xil wareejinta waanu ku marti qaadnay, waana filaynaa inay ka soo qayb galaan”..

Wasiirka Arrimaha Guddaha mar aanu wax ka weydiinay waxa ka jira daynta xad dhaafka ah ee la sheegay inuu Axmed Siillaanyo wareejinayo ayaa ku jawaabay “Nidaamka Dawladnimada ayaa ah in hadba cidii guulaysta xilka iyo Dawladnimada lagu wareejiyo, mana haboona in wax walba wax laga soo saaro, waxa  xaqiiqo ah in Dawlad kastaa oo markaas xilka ka degta Caalamka,  Dawladda  xilka uga dambaynaysa inay dayn ku sii wareejiso, dayntaasina meel kale kamay iman ee waa dayn dalka iyo dadka wax loogu qabtay”.

Wasiirka Arrimaha Gudduhu mar uu ka hadlaayey Madaxweynaha xilka ka dagaya iyo Madaxweynaha la doortay ayaa yidhi “Madaxweynaha xilka ka dagaya ee Muddane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), muddadii uu dalka xukuumayey ee uu taladda dalka hayey wax badan buu qabtay, taariikhduna wey xusi doontaa, Madaxweynaha taladda dalka loo doortay ee Muddane Muuse Biixi Cabdi waxa hubaal ah inuu halkaas ka sii anba qaadayo taladda dalka, oo uu gaadhsiin doono halkay umaddani hiigsanayso”.

Wasiir Faratoon mar uu ka hadlaayey Beesha Caalamka ayaa yidhi “Beesha Caalamku wey ka marag kacday oo wey qirtay horumarka dhinaca Dimuqraadiyada ee Somaliland, toosna wey u arkayeen qaabka wacan ee Doorashadeeni u dhacday, iyo sida nabadgalyada leh ee ay inoogu dhammaatay, sidaas oo ay tahay waxaan leeyahay ictiraafka inagaga xidhan waa inay ina siiyaan”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here