Wasiiradii Xukuumadii Siilaanyo Oo Ku Jira Xaalad Dib Isu Urursi Ah Iyo Hadhimo Uu Baashe Cawil Shalay U Sameeyay Oo Ay Madaxweyne Biixi Farriimo Ugu Direen

52
3057

Hargeysa(Geeska)-Qaar ka mid ah wasiiradii Madaxweyne Siilaanyo ee aan ka mid noqon xukuumadda cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay isugu yimid hadhimo ay ku qabsadeen hudheelka ay leedahay xaaskii Madaxweyne Siilaanyo ee Ali Jirde Hotel.

Hadhimadan oo uu wasiirada u sameeyay wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Carabta Mr. Baashe Cawil oo uu Madaxweynihii hore soddog u ahaa, ayaa wuxuu u muuqday mid ay wasiiradu farriin aan toos ahayn ugu dirayaan Madaxweyne Biixi oo ay kaga dalbanayaan inaanu ka weji dad-bin una sheegayaan inay weli isku duubanyihiin. Mr. Baashe wuxuu hadhimadaas ku macneeyay mid uu Madaxweyne Siilaanyo iyo qoyskiisu wasiirada ugaga mahadcelinayeen toddobadii sannadood ee ay soo wada shaqeeyeen. Laakiin madaxweyne Siilaanyo goobta ma joogin, waxaanu kulankii ugu dambeeyay ee mahadnaqa ahaa wasiiradiisii la yeeshay 28 November oo ahayd ka hor intii aanu xilka wareejin.

Mr. Baashe, isagoo ka hadlaya ujeedada qadada wuxuu yidhi “Anigoo ka wakiil ah madaxweynaha iyo caa’iladiisa waxay ujeedadu ahayd oo qadadan loo sameeyay in madaxweynuhu uga mahadceliyo masuuliyintaas la soo shaqeeyay 7daas sannadood ee uu xilka hayay ugana mahadceliyo sidii hagar la’aanta ahayd ee ay ula shaqeeyeen madaxweynaha, islamarkaana uu dhanka kale xasuusiyo inaanu hilmaansanayn doorkaas muhiimka ah ee ay la soo qaateen iyo doorkii ay ka qaateen ololihii xisbiga kulmiye taas oo aynu odhan karno guushii uu xisbiga kulmiye ku keenay inuu mar kale talada dalka gacanta ku qabto waxa guusheeda lahaa wasiiradaas sida hagar la’aanta ah uga qayb galay.”

Wasiirkii biyaha ee xukuumadii hore Xuseen Cabdi Boos ayaa isna yidhi  “Madaxweynaha waxaan u malayaynayaa qolyaha Isaaq way kala warwareegayaan isaga laftiisa inaynu sidaas isu aragno malaha aragtidiisii ayaa hadda yaraatee ilayn waa madaxweynaheenii qoliyaha kale way ka gabadeenee anigu waan qarxinayaa, waa inaan kulanaa.”

Wasiirkii qorshaynta Maxamed Ibraahim Qabo, ayaa isaguna sidan hadalka u dhigay  “Waxaanu filaynay in la isugu yeedho oo hadday tahay wasiiro iyo hadday tahay madaxweynaha cusub in la yidhaahdo waad maahdsantihiin wax wanaagsan ayaad qabateenee, wasiiradani waa kuwii guusha kulmiye dhaliyay waa wasiiradii ugu mudnaa ee dhiiigooda shubay ee hadh iyo habeen wareegi jiray, waxaanan jecelnahay inaan la kala furan oo la isku xidhnaado la wada shaqeeyo oo la is ogaado.”

Wasiirkii warfaafinta Cismaan Saxardiid, wuxuu isaguna ka hadlayaa kulamo dareeno abuuray oo ay hore wasiiradani u yeesheen, waxaanu yidhi “Waxaanu cadaynaynaa markaanu guriga Qabo joognay iyo halkanba intii aanu wasaaradaha ka sheegnay ayuun baan ka wada hadli jirnay oo ahaa waar magac baa dunida ka hadhee madaxweynahaas aynu maanta dhisnay waa inaanay naanaysi inaga raacine.”

Wasiirkii waxbarashada Cabdillaahi-dheere, ayaa u muuqda inuu qarxiyay hadalo ay rag badani hoos u lahaayeen waxaanu yidhi  “Mar haddii aynu hayno guushii u weynayd oo ah in madaxweynuhu sameeyay murashax, murashixii uu sameeyay uu maanta madaxweyne yahay, guul inoo hadhay inaga ma jirto, ninba meel uu ka galo oo uu kaga soo noqdo waa lagu soo noqon doonaaye, waxba ha degdegsanina.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here