Wasiir Faratoon Oo Ka Hadlay Xilka Loo Magacaabay

26
4060

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo xilkan Wasiirnimo dhawaan uu Madaxweynuhu u magacaabay, ayaa ka hadlay dareenkiisa ku saabsan xilkan loo magacaabay, aragtidiisa ku waajahan Siyaasadda Arrimaha Dibadda, qadiyada madaxa banaanida Somaliland iyo Ictiraaf raadinta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale baaq u diray Beesha Caalamka, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlaa xilkan loo magacaabay “Qofku isagu isma qiimayn karo ee dadka ayaa qiimayn kara, dadku wuxuu yidhaahdana anigu waxba kama odhan karo, dadka ayey qiimayntu ku xidhan tahay, waxan baan qabanayaa iyo waxan baan hagaajinayaana waa laga wanaagsan yahay, xilka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee la ii dhiibayna, Wasiiro hore oo badan baa iiga horeeyey, iyagoo sameeyey dadaalo badan oo ay ku doonayaan inay Siyaasadda Arrimaha Dibadda Somaliland horumariyaan, oo aqoonsiga iyo Qaranimada Somaliland-na inay dhisaan, aniguna halkaas ayaan ka sii wadi doonaa, waana dadaali doonaa”.

Mar uu ka hadlaayey Beesha Caalamka iyo qadiyada Somaliland ayaa yidhi “Iyadoo aanay ciddi ina caawin baynu isku tashanay, oo qarankeena iyo dalkeena u tashanay, waxaynu sameeynay is bedel balaadhan,oo waxaynu horumar balaadhan ka gaadhnay Dimuqraadiyada, qabsoomida Doorashooyinka kala duwan ee kala ah Doorashooyinka Madaxtooyada, Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka, taas oo dadku iskood u dooranteen hadba cidda ay rabaan, sidaas darteed waxaynu nahay dal jira oo Caalamka ka mid ah, Beesha Caalamkana waxaynu marti uga nahay inay ina siiyaan aqoonsi buuxa”

Wasiir Faratoon mar uu baaq u diraayey Shacabka ayaa yidhi “Wada shaqaynta, midnimada, iskaashiga, is ogolaanshaha iyo wada jirka ayaa wax lagu noqdaa,oo ujeedada iyo danta la leeyahay lagu gaadha, dadkeena waxaa looga baahan yahay inay qaranimadooda meel uga soo wada jeestaan, gaar ahaan Arrimaha Dibadda, oo haddii ay dadka iskaga khaldanto Siyaasadda Arrimaha Dibadda, sida aynu ula dhaqmayno Caalamka iyo waxyaabaha yar yar ee dhexdeena ah, dhibaato ayaa ka imanaysa, taasina waxaa laga yaaba inay dhibaato weyn gaadhsiiso halkii la rabay inaynu gaadhno, Mucaarad iyo Muxaafidba waxaan leeyahay danta qarankeena iyo ka midho dhalinta aqoonsigeena meel aynu uga soo wada jeesano”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here