Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya Oo Ku Dhawaaqday Inay Somaliland La Bilaabayso Iskaashi Ganacsi Oo Qaadka Miirooga Ah

27
2782

Hargeysa(Geeska)-Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqday in  dawladda Kenya iyo ganacsatada qaadka Miirooga ee dalkaasi ay wada hadal la bilaabi doonaan Somaliland, si Somaliland loogu iib keeno qaadka Miirooga.

Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa shalay daabacay in wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ay ganacsatada qaadka ee Kenya u fasaxday inay wada hadal ganacsi la bilaabaan ganacsatada dhigooda ah ee Somaliland. Dhawaaqa wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa yimid ka dib markii uu guddoomiyaha ururka ganacsatada qaadka Miirooga ee Kenya Kimathi Munjuri uu dawladda Kenya ka codsaday in la dejiyo siyaasad qaadka Miirooga loogu iib keeno suuqyada Somaliland oo uu ku tilmaamay kuwo dihin.

Agaasimaha waaxda ganacsiga ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa qoraal uu u qoray guddoomiyaha ganacsatada qaadka Miirooga ee Kenya, wuxuu ku sheegay in fikirka ah in jaadka Miirooga suuqyada Somaliland la gaadhsiiyaa tahay fikir la soo dhaweeyay maadaama oo uu xoojinayo iskaashiga ganacsi. Laakiin masuulkan wasaaradda arrimaha dibadda ka tirsani wuxuu warqadiisa ku yidhi “Waxa aanu soo jeedinaynaa in muddada booqashadu socoto, la soo xulo koox ka tirsan masuuliyiinta dawladda oo u dhugmo yeesha qorshe kasta oo fiiro gaar ah mudan”

Ururka ganacsatada qaadka ee Miirooga ayaa dawladda Kenya iyaguna ka dalbaday inay wada hadal la bilowdo Somaliland islamarkaana ay dawladda Somaliland ka codsato inay laasho cashuur adag oo ay sheegeen inay Somaliland ku soo rogtay qaadka Miirooga, waxaanay sheegeen in faraq dhinaca cashuurta ahi u dhexeeyo jaadka Itoobiya iyo midka Kenya ee Somaliland gaadha, iyagoo xusay in jaadka Miiroogu uu suuq shilis ka helay Somaliland markii dabayaaqadii sannadkii hore uu hakad galay qaadka Itoobiya ee yimaada Somaliland, “Waxa khasab nagu noqotay inaanu bishii January ka baxno suuqa Somaliland ka dib markii ay dawladu cashuur culus ku rogtay qaadka Miirooga.” ayuu yidhi guddoomiyaha ganacsatada qaadka Miirooga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here