Wararkii U Dambeeyay Ee Xaaladda Magaalada Jig-Jiga Iyo Cabdi Iley Oo Addis Ababa Loo Qaaday

27
2913

Jigjiga(Geeska/W.Wararka)-Madaxweynihii hore ee deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa shalay gelinkii dambe diyaarad loogu qaaday magaalada Addis Ababa, isagoo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan dawladiisii hore.

Diyaaradda ayaa ka qaaday madaarka Jijiga, waxaana la sheegay inay ahayd diyaarad milatari. Weriye u shaqeeya wakaaladda wararka ee AP oo Addis Ababa ku sugan ayaa sheegay in Mr. Iley uu ka dhoofay qolka VIP ee madaarka Jigjiga islamarkaana uu ka degay qolka VIP ee madaarka Addis Ababa.

Weriyuhu wuxuu sheegya in Mr. Iiley ay la socdeen dhawr ruux oo ay gabadhi ku jirto, waxaanu sheegay inuu ku labisnaa dhar caadi ah islamarkaana aanu u muuqanin qof maxbuus ah. Wuxuu saxafigani sheegay in Mr. Iley uu u socday sida qof caadi ah oo aanay wax katiinad ahi gacmaha kaga xidhnayn.

Diyaaradda ayuu saxafigani midabkeeda ku sheegay mid huruud ah oo uu soo dhigay bartiisa facebook sawirkeeda.

Isniintii  ayay hayd markii madaxweynihii dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar uu xilka iska casilay. Waxaa madaxweynaha cusub loo magacaabay Axmed Cabdi Sheikh Maxamed.

Xaaladda magaalada Jigjiga ayaa xalay degenayd, waxase ay Jigjiga ku sugantahay xaalad Internet la’aan ah, waxaana magaalada ka jira is dhex yaac iyo cabsi badan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here