Taliska Booliska Togdheer Oo Sheegay Inay Gacanta Ku Hayaan Labadii Baabuur Ee Wasiirka Caafimaadka

26
2626

Burco(Geeska)-Taliyaha ciidanka booliska ee gobalka Togdheer gaashaanle dhaxe Cabdi Cali Xayd, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen laba gaadhi oo wasiirkii hore ee caafimaadka Somaliland Saleeban Xaglatoosiye uu isticmaali jiray oo ay ka shakiyeen.

Waxa uu taliyhu meesha ka saaray inay xidheen cid gaadiidkan saarnayd balse ay qabteen gaadiidkan kadib markii ay ku arki waayeen lanbarkii dawlada isla markaasna loola sii socday dhanka magaalada Laasacaanood.

Taliyaha ciidanka booliska ee gobalka Togdheer gaashaanle dhaxe Cabdi Cali Xayd ku celceliyay inay gaadiidkaas shaki ahaan u qabteen laakiin aanay xidhin laba darawal iyo ciidan saarnaaba, waxaanu arimahan ugu waramay HCTV, isaga oo dhacdadan ka hadlaayana waxa uu yidhi “Waxaanu tagnay istabta Berbara waxa isa soo taagay laba baabuur oo nambar SL ah wata ( Mid shacab), isla markaasna ay saaran yihiin saddex askari iyo laba darawal, nimankii waanu soo dajinay oo baabuurtani maxay ahaayeen ayaanu ku nidhi waxay yidhaahdeen waa baabuurkii wasiirka wasaarada caafimaadka, waxaanu ku nidhi S lanbar ayay leeyihiin ee ma kuwii dawladaa mise waa kuwo shacab noomay kala cadayn, waxaanu nidhi koox caafimaad idin lama socoto, wasiirkii idin-lama socdo, dhakhaatiir idinlama socoto ee xageebaad u socotaan, waxay yidhaahdeen, waxaanu u soconaa Laasacaanood, maxaad ka doonaysaan odayaal baanu soo qaadaynaa, anaga arintaasi shaki ayay nagu abuurtay, maadaama oo xukuumad cusub la soo magacaabay wasiirka caafimaadkuna aanu ahayn xubnii lagu soo daray wasiiradan cusub, waxa na galay shaki oo waxaanu u qaadanay hanti qaran oo la qaadanaayo, sidaas ayaanu ku qabanay oo aanu baabuurtiina ku dhignay.”

Taliyaha oo ka hadlaayay in ay xidhidheen dadkii gaadiidka watay waxa uu yidhi”shan qof ayaa la socoday saddex milatari ayay ahaayeen xeryii iska xaadiriya ayaanu nidhi, labadii darawalna suuqa arbeekooyin ku yaala ayay seexdeen, wakhti habeenimo ah ayay ahayd, saakana waxaanu ku waabariisanay iyada oo la leeyahay xaas baa la xidhay iyo nimanbaa saldhiga dhaxe ka soo hadlaaya, waxaasi waa war aan sal iyo raad toona lahayn.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here