Suldaanka DP World U Sareeya Oo Sheegay Inay Indhaha Ku Hayaan Dekedaha Ereteriya

26
3476

Hargeysa(Geeska)-Shirkadda DP world ee gacanta ku haysa maamulka dekedda Berbera, ayaa isha ku haysa inay gacanta ku dhigto maamulka iyo gacan ku haynta dekedaha dalka Ereteriya. Sidaas waxa ku dhawaaqay agaasimaha fulinta ee DP world Suldaan Axmed Bin Suleman.

Suldaan oo u waramay wakaaladda wararka ee Bloomberg, ayaa sheegay in Ereteriya u muuqato inay saamayn iyo door muhiim ah yeelanayso, waxaanu sheegay in DP world aanay indhaha ku hayn oo keliya Ereteriya, laakiin ay ku jeeddo gobalka Geeska Afrika. “Waanu tagi doonaa halkaas [Ereteriya] sida cid kasta oo kaleba, haddii lana weydiisto maalgelin.” Ayuu yidhi Suldaan. Laakiin Wasiirka warfaafinta Ereteriya Yemane Gebremeskel ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo in dekedaha Casab iyo Musawac ee Ereteriya la dhigi doono suuqa qandaraasyada.

Warbaahinta Bloomberg waxay soo hadal qaaday saldhiga milatari ee UAE ka dhisanayso Berbera, laakiin Suldaan ayaa sheegay inaanu saldhigaasi wax lug ah ku yeelan doonin qorsheyaasha maalgashi.  “Waxa keliya ee uu Imaaraadka Carabtu sameeyaa waa in uu horumariyo xidhiidhada ganacsi, taas ayaa ah waxa noogu muhiimsan ee aanu dakhliga ka samaynayno” ayaa uu yidhi Sulayem.  Isaga oo intaas ku sii daray, “Ma jiro ajande siyaasadeed oo uu Imaaraadka Carabtu ka leeyahay Afrika. Ajandahayagu waa ganacsiga”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here