Socdaalka Gobalka Ay Ku Joogaan Ruushka Iyo Maraykanka & Arrimaha Xiisaha Leh Ee La Arkay

51
3182

Addis Ababa(Geeska/W.Wararka)-Waxa gobalka Geeska Afrika maalmihii u dambeeyay socdaalo kala duwan ku marayay wasiirada khaarajiga ee labada quwadood ee dunida Maraykanka iyo Ruushka Rex Tillerson  iyo Sergey Lavrov.

Maalmihii ay ku sugnaayeen gobalka, gaar ahaan magaalooyinka Addis Ababa iyo Nayroobi ee Itoobiya iyo Kenya waxa la arkay arrimo soo jiitay dareenka saxaafadda gobalka.

Isku Hoteel, laakiin may kulmin

Wasiirada Arrimaha dibadda ee dalalka Maraykanka iyo Ruushka Rex Tillerson  iyo Sergey Lavrov ayaa u wada hoyday magaalada Addis Ababa ee Itoobiya, toddobaadkan.

Ka sokow, ujeedada socdaalkooda ee Itoobiya, waxa ay labadan diblomaasi ee u sareeya dalalka Maraykanka iyo Ruushku wada degeen hoteelka caanka ah ee Sheraton ee magaalada Addis Ababa. Laakiin waxa cajiib ahayd oo ay saxaafadda Itoobiya aad u qaadaa dhigtay inaanay wax kulan ah yeelan labadan sarkaal iyagoo wada degenaa isku hotel. Wakhtigan ay Addis Ababa wada joogeen labadan masuul, waxa ay Washington iyo Moscow hawada isu marinayaan eeddo ku saabsan arrimaha Suuriya, Ukrayn iyo waxyaabo kale, kuwaas oo ay dad badani filayeen inay labada wasiirul khaaraji ugu yaraan iska arkaan, waxna iska yidhaahdaan.

Masuuliyiinta wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa la sheegay inay codsadeen in kulan dhex maro labadan masuul balse ay Washington iska dhego tirtay dalabkaas. Laakiin afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay inaanu Maraykanku helin wax codsi ah oo uu Ruushku ku dalbanayo inay is arkaan labada wasiirul khaaraji. “Haddana, lama dejin karo kulan wakhtigan.” ayay tidhi Ms. Nauert.

Laakiin wasiirka arrimaha dibadda Ruushka oo dalka Zimbabwe lagu weydiiyay arrintan ayaa beeniyay hadalka haweenaydan ee ah inaanu Ruushku dalban inay labada wasiir is arkaan waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay waa been.” ayuu yidhi.

Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka laftiisa ayaa isna sheegay inuu maalmo ka hor ogaaday in wasiirka khaarajiga ee Ruushku uu ku soo jeedo Addis Ababa, “Maalmo ka hor ayaan ogaaday.” ayuu yidhi, wuxuuna intaas raaciyay, “Jadwalkaygu wuu diyaarsanyahay, yaan laga warwarin, haddii aanay suurtogelin hadda, aniga iyo isagu waanu is arki doonaa halkan dabadeed.”

Tillerson ayaa Addis Ababa soo gaadhay Arbacadii, halka uu Lavrov isna soo gaadhay khamiistii, waxaanay kulamo kala duwan la yeesheen madaxda dalka Itoobiya iyo ururka Midowga Afrika oo ay xaruntiisu tahay Addis Ababa.

Surwaal Jiinis ah

Arrin kale oo iyaduna soo jiidatay saxaafadda Itoobiya ayaa ah labiskii uu madaarka Addis Ababa kaga soo degay wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushku. Goor habeenimo ah ayuu soo degay, waxaana loo dhigay roogga cas ee madaxda lagu qaabilo, wuxuuse ku labisnaa surwaal jiinis. Surwaalkaas jiiniska ah iyo roogga loo dhigay ayaa abuurtay su’aalo badan oo la iska weydiiyo diblomaasiyad ahaan macnaheeda, waxaana lagu sameeyay falanqayn badan.

Laakiin wasiir Lavrov oo dareemay dareenka ay Itoobiyaanku ka qaateen labiskiisa, ayaa markii uu ka soo dhoofayay Addis Ababa shalay wuxuu suudhkiisa raaciyay tay lagu xardhay xarfaha Itoobiya, taas oo mar kale lagu sameeyay falanqayn lana tilmaamay inay muujinayso in Ruushku la dhacsanyahay Itoobiya.

Xanuunka Rex TillersonXoghaya Arrimaha Dibedda ee Mareykaka Rex Tillerson ayaa baajiyay kulamadii la qorsheynayay inuu Sabtidii shalay  ku qaato Nairobi, sababa la xdhiidha caafimaadkiisa oo liita. “Xoghayaha caafimaadkiisa ayaan wanaagsanayn kadib dhowr maalmood oo uu ku jiray shaqo adag oo la xidhiidha arrimaha Kuuriyada Waqooyi”, ayaa lagu sheegay qoraal ay shaacisay waaxda arrimaha dibedda ee Mareykanka.Mr Tillerson oo Afrika ku jooga booqashadiisii ugu horeeysay ayaa dalka Kenya joogi doono ilaa iyo maalinta Isniinta ah. Laakiin lama sheegin nooca uu yahay xanuunka shaqada ka baajiyay sarkaalkan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here