“Shirka London Iyo Wixii Ka Soo Baxay Wax Ina Khuseeya Maaha Ee Waa Shir Somaliya U Gaar Ah”Eng. Faysal Cali Waraabe

0
486

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng:FaysaL Cali waraabe, isla markaana ah Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigan, ayaa ka hadlay Doorashada la filayo inay dhacdo dhammaadka sannadkan, xilli qodobadii ka soo baxay Shirkii London ee Somaliya lagu soo daray qodob khuseeya wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng:FaysaL Cali waraabe oo Wargeyska Geeska Afrika weydiiyey sida uu u arko Shirka London loogu qabtay Somaliya iyo qodobka khuseeya Somaliland, ayaa yidhi “Shirka London iyo wixii ka soo baxay wax inaga ina khuseeya, maaha ee waa Shir Somaliya u gaar ah, Doorashada Madaxtooyaduna, wakhtigii loo muddeeyey ayey ku dhacaysa, Dadkuna kaadhadhkooda coddeynta si fiican bay u qaadanayaan, Gobolada kale insha allaah markay kaadh qaadashadu ka bilaamato waa inay dadku si fiican u qaadataan kaadhka ay ku coddeynayaan, ee ay ku dooranayaan Xisbiga ay doonaan, Komishankuna hawshiisi wuu wataa, markaas Doorashadu wakhtigeedii ayey ku dhici doontaa insha allaah, anaguna in aanu galno diyaar ayaanu u nahay”.

Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa mar uu ka hadlaayey dadka reer Somaliland ee iyagu ku sugan Somaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo cadaadis iyo dhibaatooyin in lagu hayo sheegay ayaa isagoo hadalkan ka sheegay munaasibad uu Xisbiga UCID qabsaday yidhi “Waad maqlayseen kuwii lahaa Diyaaradu noo soo dira, sidii South Afrika ayaa nala leeynayaa oo lanagu kaajaye, reer Muqdishana waxaan leenahay inta hadhayna dila, Jasiira ayuu qolfoofkeenii yaala, oo guriyaha ayaa reero reero la inagala baxay, oo isiro la inoo dilay, wax meel maydkoodkoodu yaala u wax doonta, inaga inaga horteena lama arag”.

Dhinaca kale Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa guud ahaan Bulshada reer Somaliland kula taliyey inay isku gargaaran, inay is caawiyaan, oo dadkooda abaaruhu hayaan u gargaaran, waxaanu ku baaqay in la isku naxariisto, oo maceeshada dadka loo jabiyo, bariyada ALLENA aan laga quuseen, ee cabsidiisa iyo baryadiisa la badiyo, si uu inoogu naxariisto.