Sheekh Cismaan Oo Ka Digay Faafinta Wararka Aan JirinSheekh Cismaan Oo Ka Digay Faafinta Wararka Aan Jirin

0
707

Hargeysa (Geeska)-Sheekh Cismaan Cali Xuseen (Sheekh Cismaan Laangadhe), oo ka mid ah Culimada dalka ugu waaweyn, ayaa ka hadlay wararka been abuurka ee Bulshada khal-khal lagu galinayo, waxaanu sheegay in Diintu aanay raali ka ahayn, wararka been abuurka ah ee la fidiyaana ay ka mid yihiin dunuubta waaweyn.

Sheekh Cismaan Cali Xuseen oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya ayaa yidhi “Waa dambi in la baahiyo warar been abuurka ah, sidii doonaba ha loo baahiyo, meeshii la doonana ha lagu baahiye, Diinteenuna raali kama ah in warar aan jirin la fidiyo, wararka aan la iska hubsan ee la sheegaana waxay ka mid yihiin dunuubta waaweyn, ee haddii aynu nahay dad muslim ah waxa la inooga faahan yahay inaynu mar walba sheegno warar ama hadalo  xaqiiqada iyo runta ku saleeysan, oo waliba ah qaar naxteexo dadka u ah, laakiin ma wanaagsan in la faafiyo warar dadka dhib u keenaya, diintuna wey ka digtay, ee ha laga feejignaado, oo qof walba akhiradiisa ha ilaaliyo”.