Premier Bank: Baan Ku Shaqeeya Nidaamka Bangiyada Islaamiga Ah Oo Somaliland Ka Hawl-Galay Waxa ka warramaya Maxamed Baashe Xaaji Xasan

0
679

“Premier Bank waa bangi Somaliland laga leeyahay oo ku shaqeeya hannaanka bunuugta Islaamiga ah ee aan ribawiga ahayn, soona kordhiyey adeegyo casri ah oo maqnaa, shareecada Islaamkana waafaqsan”. Waxa arrintaas diirka ka qaaday guddoomiyaha Premier Bank, Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil (Musaabaqo), oo furayey kulan afur ah oo ka dhacay Ambassador Hotel Hargeysa, Salaasadii 13.06.2017.

Kulankaas oo ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiin, culimo iyo ganacsato kala duwani waxa dadkii ka hadlay ka mid ahaa guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland, Maxamed Cabdi Ibraahim, oo shaaca ka qaaday in Premier Bank buuxiyey dhammaan shuruudaha u yaalla baananka Islaamka.

Dhanka kale, waxa taariikhda iyo adeegyada Premier Bank ka xog warramay guddoomiyaha bangigaas, Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil (Musaabaqo), oo tilmaamay in Premier Bank uu yahay bangi Somaliland laga leeyahay, dhammaan adeegyadiisuna waafaqsan yihiin shareecada Islaamka ee ay bangiyada Islaamiga ahi ku hawl-galaan.

Premier Bank waa banigii saddexaad ee Islaami ah ee laga furo Somaliland. Ugu horrayna sannadkii 2015 ayaa Premier Bank Somaliland laga yagleelay. Sannad ka dib, 2016, waxa uu Premier Bank ruqsaddii hawl-galkiisa ka helay Baanka Dhexe ee Somaliland. Waxa xusid mudan in Somaliland xeerka Baananka Islaamiga ahi dhaqan-gal noqday sannadkii 2012, xeerkaas oo la’aantii aanay dalka ka shaqeeyeen baananka Islaamiga ah ee Premier Bank ka mid yahay.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa si rasmi ah xarunta Premier Bank ee Somaliland xadhigga uga jaray 25/05/2017.

Adeegyada iyo dhammaan hawlaha Premier Bank waxa ay waafaqsan yihiin shareecada Islaamka, si la mid ah sida baananka Islaamiga ah ee caalamku u shaqeeyaan. Adeegyadaas waxa ka mid ah:

Maalingelin loogu talo galay dadka leh ganacsiga yaryar ee soo koraya.

Xisaabaad kaydsan iyo kuwa socda ama furan ee ganacsiga iyo shakhsiyaadkaba, lehna macaamil heer caalami ah oo Islaami ah.

Adeegyada casriga ah ee MasterCard iyo Visa oo ah adeegyo maqnaa oo Premier Bank markii ugu horraysey Somaliland ka hirgeliyey.

SWIFT oo ah hannaan fududeeya in lacagaha la isugu diro baananka.

Sida uu ku nuuxnuuxsaday guddoomiyaha Premier Bank, Cabdiraxmaan Sheekh Xasan, bangigani ma bixiyo adeegga qaan-dhowga ama qaan-bixinta (credit) ee dulsaarka yeelan kara, kana hor iman kara shareecada Islaamka, kaas oo inta badan jideeya habraaca ribawiga ah. Hase yeeshee MasterCard-ka uu Premier Bank bixiyaa waa mid dheegan (debit) oo ah adeeg lacagta xisaabaadka socda ee bangiga yaalla lagula bixi karo xilliga loo baahdo, mana laha dulsaar. Haddii aynu si kale u dhigno, MasterCard-ka bangigu bixiyaa waxa uu u saamaxayaa macmiilka in lacagtiisa uu kala bixi karo meesha uu doono iyo goorta uu doona daafaha adduunka.

Maamulka Premier Bank, isaga oo ballanqaadaya ilaalinta iyo ku-dhaqanka gundhigyada shareecada Islaamka, waxa shaqooyinkiisa ansixiya, kormeerna ku sameeya gole shareeco oo madaxbannaan, golahaas oo uu guddoomiye u yahay Sheekh Cismaan Cali Xuseen oo ka mid ah foolaadka culimada Somaliland ee shareecada Islaamka loo daba fadhiisto.

Sidaas awgeed, ayuu yidhi guddoomiyaha Premier Bank, Cabdiraxmaan Sheekh Xasan, “Waxa aannu, si aan madmadow iyo mutuhis ku jirin, macaamiisha ugu caddaynaynaa in aanu Premier Bank sina u ahayn ‘bangi ribawi ah’, uuna yahay BAAN la hubiyey oo adeegyadiisu ku sidkan yihiin SHAREECADA ISLAAMKA ee loo cuskado adeegyada ay bunuugta Islaamiga ahi bixiyaan”.

Prof Mubaarik Ibraahim Aar oo ah hormuudka jaamacadda Beder, daadihiyana barnaamijka “Macallinka TV-ga” ee ka baxa TV-ga Qaranka Somaliland oo isna ka hadlay munaasibaddaas, ayaa sheegay in Premier Bank noqday bangigii ugu horreeyey ee taageero dhaqaale u fidiya dhallinyarada ka baxaysa shan jaamacadood oo Somaliland ah, gaar haan kulliyadaha dhaqaalaha iyo ganacsiga oo ku tartamaya sidii ay u abuuri lahaayeen ganacsi madaxbannaan oo ay yeeshaan marka ay waxbarashada dhammaystaan. Arrintaas oo muujinaysa sida Premier Bank ugu heellan yahay in uu ka qayb qaato dhiirrigelinta koboca dhaqaalaha dalka iyo shaqo-abuurka da’ yarta.

Sheekh Ciise Maxamuud Cabdillaahi oo isna ka mid ahaa culimadii madasha ka hadashay ayaa tilmaamay in baananka Islaamiga ahi ay baddiil u yihiin baananka dulsaarka qaata ama bixiya ee ribawiga ah. Waxa kale oo uu sheekhu ku dheeraaday, marka la eego Diinta Islaamka, in ay isku mid tahay haddii la ganacsanayo iyo haddii salaad la tukanayo, oo sida ay salaaddu waajib ugu tahay qofka Muslimka ah ay islamarkaana waajib ugu tahay in uu raadsado kasab xalaal ah.

Ugu dambayntii waxa munaasibaddaas soo gunaanadey Sheekh Xasan Cabdisalaan oo tilmaan guud ka bixiyey caqabaadka haysta baananka Islaamiga ah iyo sida looga bixi karo, isaga oo isla markaana u duceeyey baanka cusub ee Islaamiga ah ee Premier Bank.

mohamedbashe@hotmail.com