Muqdisho Oo Jaamacadda Carabta U Qortay Warqad Ka Dhan Ah Heshiiska Dekeda Berbera

49
3394

Qaahira (Geeska)- Dawladda Soomaaliya ayaa salaasadii dorraad ee 6da March, xoghaynta jaamacadda Carabta u qortay, warqad ay ku codsanayso in ajandaha shirka maanta qabsoomaya ee wasiirrada arrimaha dibadda lagu daro, qodob ka hadlaya heshiiskii dekedda Berbera ee ay dhowaan jamhuuriyadda Somaliland magaalada Dubai kula saxeexatay shirkadda DP World iyo dawladda Itoobiya.

Ergada diblumaasiyadeed ee soomaaliya u joogta ururka jaamacadda Carabta oo warqaddan qortay ayaa waxa ay xoghaynta guud ee ururka jaamacadda Carabta ka dalbadeen in shirka wasiirrada arrimaha dibadda dawladaha ku midoobey jaamacadda ajandihiisa lagu daro ka hadalka heshiiska saddex geesoodka ahaa oo ay ku tilmaameen in uu baadil yahay. Dhinaca Somaliland na ku tilmaameen in ay saxeexeen masuuliyiin heer deegaan ahi.

Warqaddan ayaa ay dawladda Soomaaliya ku codsatay in ajandaha shirka 149 naad ee heer wasiir oo qabsoomay Arbacada shalay ee 7da March, lagu daro qodobkan cusub oo cinwaankiisa ay ku sheegtay (Dekedda Berbera ee Soomaaliya iyo heshiiska xaqdarrada ah)

Ergada Soomaaliay ayaa warqaddoodan ku sheegay in ay tixraacayaan hadallo warbaahinta maxalliga ahi faafisay oo sheegaya sida ay hadalka u dhigeen “Heshiis saddex geesood ah oo lagaga faa’iiidaysanayo dekedda Berbera, kaas oo u dhexeeya shirkadda DP World, masuuliyiin deegaan iyo mid ka mid ah dawladaha jaarka” ayaa lagu yidhi warqaddan.

Warqaddan oo uu Geeska Afrika nuqul ka mid ah helay, waxaa lagu xusay warkii ay hore xukuumadda Muqdisho uga soo saartay heshiiska Berbera, oo ay ka mid ahayd in aanay dawladdaasi cidna u xilsaaran in ay uga wakiil ahaato heshiis noocan ah iyo in heshiiskaasi uu meel ka dhac ku yahay waxa ay Muqdisho ugu yeedhay qarannimada iyo midnimada Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya waxa ay warqaddan ku sheegtay in ay ku dhawaaqayso in uu heshiiskaasi baadil yahay oo ay saxeexday cid aan masuul ka ahayni u saxeexday cid aan xaq u lahayn. Sida loo dhigay qoraalka warqaddan ku socotay xoghaynta jaamacadda Carabta.

Ugu dambayntiina waxa ay ergada diblumaasiyadeed ee Muqdisho uga wakiilka ah Jaamacadda Carabtu ku sheegtay qoraalkeedan in ay mashruuc qaraar oo ku liddi ah heshiiska Dekedda Berbera hor dhigi doonaan fadhiga jaamacadda Carabta ee 149 naad.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here