Maxa Ka Jira In Dawladda Ingiriisku Wax Ka Bedeleyso La Macaamilkeedii Hore Ee Jamhuuriyadda Somaliland?

Published on Dec 28 2017 // Maqaalo

Eng. Baashe Cabdi Gaboobe

Doorashadi Somaliland ka dhacdey 13 November, 2017 waxey soo jidatey indhaha caalamka maadaama ay u qabsoomtey si nabad gelyo iyo hufnaan ah ( Waxa lagu galey doorashada nidaamka Iris Biometric voter registration oy adag tahey in lagu noq noqdo ama la musuq maasaqo). Waana marki u horeysey Afrika doorasho nocan ah lagu qabto. , waxaana  soo hambalyeey shacabka iyo dawladda Somaliland, dawladdo badan sida Ingiriiska, Mareykanka, Germanka, Australia iyo qaar kalo badan oo taageera, dhirigeliyana nidaamka doorashada dimuqraadiga ee hannaanka xisbiyadda badan ku dhisan ee loo yaqaan’’ one person one vote’’.  Haddaba ma la odhan kara dawladda Ingiriiska ayaa hor kaceysa dawladahan iyado xiiso gaar ah  waqtigan u qabta Somaliland sababaha soo socda ee aan gadaal ka sheegi doono.

Inkasto waayo aragnimadi hore ee Somaliland ka kasbatey la macaamilka dawladda Ingiriiska ay na bareyso inaaney rajo fiican  ka filan, waayo, Somaliland weligeed kamey helin wax qabad muuqda markaynu dib u jeelecno sooyaal tariikheedki  gumeysiga ilaa waqtigan maanta ah, tusaale ahaan sida u dhistey Cadan, Hong konk, Singapur iwm, dawladdahas oo u hore u gumeystey.   Somaliland iyo dawladda Ingiriisku waxey isla so mareen  baxa degyo iyo dabeylo siyaasadeed oo cakiran oo qalafsan sida:

1- 1954 markey Boqortooyada Ingiriisku, Xeyla Salaase uga tanaasushey HAWD iyo RESERVE AREA. Arrintaas oo kaliftey siyaasiyinta, wax garadka, madax dhaqameedka iyo  shacabka Somaliland iney Ingiriiska ka codsadaan innu xornimadooda siiyo ( xigasho I.M.Lewis )

2- Marku  jarey mucaawinadi dhaqaale iyo tayeenta shaqaalaha markey Somaliland la midowdey Konfurta Somalia,  dhaqaalahaas oo aha xaqi mag dhawga muddadi u Somaliland gumeysanaayey ee aanu wax ba u qaban (1887-1960 ), Ingiriiska oo sabab uga dhigey joojinta mucaawinaadaas dhaqaale in midowgi Somaliland iyo Somalia oo la magac baxey jamhuuriyadda Somalia ( Somalia Republic ) diideen iney ku biraan Dawladaha Barwaaqo Sooranka ( Common Wealth of Nations  ).Dawladahaas oo hoos yimaada Boqortooyada Ingiriiska.

3- 1991 markey Somaliland dib u laso noqotey madax banaadeedi, dawladda Ingiriiska ayey aheyd cidda ugu horeysa ee ay ka fileysey taageero siyaasadeed, dhaqaale diblumaasiyadeed, laakiin nasib darro Somaliland way ku hungoodey Waliba dawladda Ingiriisku waxey qaadey tallabooyin ay ku xoojineyso midnimadda Somalia iyado u qabatey shirar caalami ah sida ( The London Somalia Conferenc, 2012 and 2017 ). Shirarkaas oo Somalia loogu raadinaayo taageero siyaasadeed,dhaqaale iyo military.

Haddaba waxeynu ognahey in dawladda Ingiriisku qeyb libaax ka qaadatey is diwaan gelinti cod bixiyaasha iyo qaadashada kardhki aqoonsiga muwaadinka iyo wax kasto ku sabsan doorashadi madaxtooyada ee dhacdey 13 November, 2017. Haddey noqoto la talinta, tababarka guddiga  doorashada, bixinta kharashki ku baxey goob joogayaasha Caalami iyo agaasinkoodi iyo martiqaadkooda ( 27 dawladood ). Safiirka Ingiriska ee Somaliland iyo Somalia Mr. David Concar oo markey codeyntu dhamaatey aha cidda ugu horeysey ee’ u hambalyey shacabka Somaliland sida nabad gelyada iyo hufnaanta leh ee ay ugu codeyeen, Markey  guddiga doorashaduna ku dhawaaqeen natijaddi doorashada deg deg ugu yimid madaxweynaha cusub Muse Bixi Cabdi si ugu hambalyeyo. Safiirka Ingiriiska Mr. David Concar oo shaley markey socotey xafladdi xil wareejinta labada madaxweyne  Axmed Silaanyo iyo Muse Bixi ku dhawaaqey in dawladda Ingiriisku ku caawineyso Somaliland 25 million oo pound.

Haddaba la soco qeybaha dambe falanqeynta  asbaabaha isbedelkan siyaasadeed ugu wacan dawladda Ingiriiska.

Wa bilaahi tawfiiq,

  1. Alla mahad leh,

 

 

6 Comments

  1. This design is incredible! You most certainly know how to keep a reader amused.
    Between your wit and your videos, I was almost moved to
    start my own blog (well, almost…HaHa!) Fantastic job.
    I really enjoyed what you had to say, and more than that, how you presented it.
    Too cool!

  2. Hello, Neat post. There’s an issue with your web site in web explorer, might
    test this? IE nonetheless is the market chief and a large part
    of other people will pass over your magnificent writing because of this problem.

  3. Its not my first time to visit this website, i am browsing
    this web site dailly and get pleasant facts from here everyday.

  4. minecraft says:

    Quality articles is the important to invite the users
    to go to see the web site, that’s what this website is providing.

  5. minecraft says:

    Today, I went to the beach front with my children. I found
    a sea shell and gave it to my 4 year old daughter and said “You can hear the ocean if you put this to your ear.”
    She placed the shell to her ear and screamed. There
    was a hermit crab inside and it pinched her ear.

    She never wants to go back! LoL I know this is completely off topic but I had to tell someone!

  6. minecraft says:

    Post writing is also a fun, if you know after that you can write if not it is complex to write.

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!